Siduu caalamka u saameeyay cudurka Coronavirus?

coronavirus 2019

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku aaddan cudurka coronavirus.

Mr Trump ayaa sheegay in amarkaas uu dowladda siin doono galaangal ay ku hesho ilaa 50 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha loogu talagalay xaaladaha degdega ah.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu taageersan yahay dhaqaale cusub oo xaaladda lagu dabcinayo oo ay ku heshiiyeen xisbiga Dimuqraadiga kaas oo goor dhaw ay u codayn doonaan Aqalka Kongareeska.

Lacagtaas waxaa lagu isticmaalayaa kharashka la siinaayo dadka qaata fasaxa xanuunka, cunnada iyo mid loogu talagalay dadka aan shaqeyn.

Deegaanno badan oo ka tirsan Mareykanka ayaa waxaa la xiray iskuulladii si la isugu dayo in la xakameeyo cudurka, deegaannadaas waxaa ka mid ah Log Angeles iyo Illinois.

Medical personnel wearing protective face masks help patients inside the Spedali Civili hospital in Brescia, Italy, 13 March 2020
Bukaanno isu jira hal hal mitir oo lagu isugu keenay hool wayn oo ku yaal waqooyiga Talyaaniga

Dhowr dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen inay xuduudahooda ka xiran doonaan ajaanibta sababtoo ah cudurka Coronavirus.

Waxaa dalalkaas ka mid ah Denmark, Poland, Cyprus, Slovakia iyo the Czech Republic.

Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan iskuullada, isagoo ka laabtay go’aankiisii hore ee uu ku sheegay in iskuulladu ay furnaadaan.

Xilli hore ayuu sheegay in Jaamacadaha un la xiro sababtana waxa uu ku sheegay in ay dhigtaan arday badan oo ajaanib ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.

A closed restaurant terrace is pictured in Madrid on 13 March 2020,
Mas’uuliyiinta Madrid ayaa waxa ay xireen meelaha barxadaha ah ee la fariisto cabsi laga qabo coronavirus awadii

Spain-na Ra’iisul Wasaare Pedro Sanchez ayaa waxa uu sheegay in xaalad degdeg ah dalkaas laga dhaqangelin doono maanta oo Sabti ah, kaddib markii dalkaas uu diiwaangeliyay sare u kac boqolkiiba 50 ah oo ah dadka cudurkaasi u dhintay.

Coronavirus ugu yaraan waxa uu ku faafay 19 dal oo Afrikaan ah, kiisaskii ugu dambeeyayna waxaa markii ugu horraysay laga helay dalalka Kenya, Itoobiya, Suudaan, Mauritania, Eswatini iyo Guinea.

Wasiirka caafimaadka ee Kenya
Wasiirka caafimaadka ee Kenya, Mutahi Kagwe

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here