Sifan Xasan: Weligey kuma fekerin inaan Itoobiya u ordo ilaa uu deegaanka Oromadu xoroobo

Sifan Xasan

“Ma jiro orodyahan aan ka baqayo, inaan guuleysto mooyee in la iga guuleystana kuma fikiro” ayey tiri Sifaan Xasan oo 26 jir ah billada badan oo dhinaca orodka ahna uruursatay.

“Inaan Itoobiya u ordo dad i weydiiyey wey jiraan. Laakiin aniga weligey kuma fikirin inaan Itoobiya u ordo, ilaa uu deegaanka Oromada xoroobo” ayey tiri Sifan Xasan oo u warrameysay BBC.

Sifan oo hadda u orodda Netherland waxay kaalinta koobaad kaga jirtaa liiska ordyahannada xulka ah ee gabdhaha adduunka.

Sifan tartanki ciyaaraha Atletikada ee ka dhacay magaalada Doxa ee dalka Qadar waxay billadaha dahabka ku hanatay oroddada 10,000 oo mitir, 1,000 mitir iyo 500 oo mitir.

Sanadkan 2019 ee sii dhammaanayana tartanno seddex oo caalami ah ayey guulo ka soo hoysay.

Sifan oo ku dhalatay magaalada Adaama ee dalka Itoobiya waxay dalki ay ku dhalatay ee Itoobiya ay issga haajirtay iyada oo 15 jir ah, waxayna Sifan sheegtay iney la soo kulantay dhibaatooyin aad uy badan.

Waxayna sheegtay iney dugsiga waxbarashada orod ku aadi jirta aadna ay u jecleyd ciyaaraha atleetikada gaar ahaanna orodka, marki ay dalka Netherland ay tagtayna ay orodki ay jecleyd fursad ay ku sii wadato heshay.

Waxayna sheegtay iney hadda ka hor damacday iney barato xirfadda kalkaaliso caafimaad, laba sana marki ay waxbarashadeeda wadatay ay waxbarashadi iska dhaaftay oo si buuxda ay ugu wareegtay orodki ay jecleyd.

Tartanki atletikada ee Doxa lagu qabtay waxay qaadday billadda dahabka ee orodka 1,500 oo miiti, orodka ay orodyahannada Itoobiya ay caanka ku ahaayeen ee 10,000 oo mitir ee gabdhaha waxay guusha raacday Sifan sidaana ku hanatay billad labaad oo dahab ah.

Sifan Xasan

Sifan oo guulo la yaab leh oo isdaba joog ah soo hooysay oo ka sheekeyneyso sirta guulahaasi ay gaartay ka dambeysa waxay sheegtay iney tahay tababar adag uu qofku qaato iyo qofka inuu samir yeesho.

Haddii aan guuleysto iyo haddii aan guul darreystaba muuqaalka orodkasta oo aan sameeyo laga duubo waan daawadaa si aan isaga saxo wixi iga khaldamay, wixi wanaagsanna aan u sii xoojiyo ayey tiri.

“Dalka Netherland waxaa si gaar ah loo daryeelaa orodyahannada natiijooyinka wanaagsan soo hoyo”.

“Si aad ah ayaana laguu koolkoolinayaa, iskuma dhaceysaan xiriirka orodka dalkaasi marwalba waxay ku leeyihiin halkeen ku geynaa, maxaan kuu sameynaa, dugsigeed jeceshahay oo aad ku tababaraneysaa iwm, heer waxay gaarayaan marka aan waddan kale tartan u aado iney kharashkeyga huteelka iyo cunnadaba tababarayaasheyda bixiyaan” ayey tiri.

Sifan Xasan

Sifan waxay sheegtay iney howlo maalgashi ka sameyn rabto Magaalada Addis Ababa xaafadda loo yaqaanno Rufaa’el iyo Magaalada Sululta oo aan Addis Ababa ka fogeyn.

Sifan oo 6 bilood ka hor meherkeedu dhacay waxay ku hadashaa afafka Oromada, Ducth iyo English waxayna sheegtay Amxaarigana iney xoogaha isku dayeyso.

Waxayna sheegtay iney hadda qorsheyneyso iney ka qayb gasho tartanka lagu qabanayo magaalada Tokyo ee dalka Japan tartannada orodka ee u dhaxeeya 800 oo mitir ilaa iyo 10 kun oo mitir, ayna aad u jeceshahay iney oroddo 5,000 iyo 10,000 oo mitir.

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here