Somalia iyo Kenya oo iska kaashanaya sidii gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa Wasiir Janan

cabdirashiid janan

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa iska kaashanaya sidii gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa Wasiirkii amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan oo maalmo ka hor ka baxsaday xabsi ay ku heyso Dowladda.

C/rashiid Janan oo dooni kaga baxsaday magaalada Muqdisho shalayna gaaray magaalada Kismaayo ayaa isla shalay loo duuliyay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa halkaas u jooga howlo caafimaad, maadama uu ku xanuunsaday xabsigii uu ku jiray.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya kala hadashay sidii gacanta dib loogu soo celin lahaa Wasiir Janan oo hadda yaala mid ka mid ah Cisbitaalada magaalada Nairobi oo lagu daweynayo.

Arrintaan ayaa waxaa si gaar ah kaga shaqeynaya safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kaashaneysa diblomaasiyiin Kenyan ah, kuwaas oo si hoose ula hadlaya madaxda ugu sareysa Dowladda Kenya.

Waxaa la leeyahay lama oga sida arrintaan ay ku suurtagaleyso, maadama Kenya ay xiriir wanaagsan la leedahay maamul goboleedka Jubbaland oo taageero dhaqaalo iyo mid Militari ay siiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here