Somalia iyo Netherland oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka laba dal

wads cawad iyo safiirka netherlands

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Soomaaliya, Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada.

Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here