Somalia oo diiday inay Midowga Afrika kala hadasho kiiska Badda

muranka badda kenya somalia

Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku aadanaa kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika.

Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada wadan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in aysan geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu guul dareysatay tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo ay qaaday, si ay cadaadis ugu saarto inay ka laabato kiiskaasi.

ICJ ayaa la filayaa in ay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka.

Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here