Somalia oo tababar u furtay ciidamo ku biiraya Booliiska gaarka ah ee Haramcad

tababar haramcad

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay ciidamo cusub oo ku biiraya Booliska Gaarka ah ee loo yaqaan Haramcad.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 150 askari kana mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababarran ayaa lagu xareeyay Saldhigga Turksom ciidamada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana tababarka furay Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Turkiga ayaa hore u tababaray ciidamada Gaarka ah ee Booliska oo dowladda Soomaaliya ay u adeegsatay inay ka howlgalaan Caasimadda, Galmudug iyo Gobolka Gedo, iyadoo ciidamadan ay noqdaan kuwo si weyn loo hadal hayo.

Taliyaha Booliska ayaa Taraakiisha tababarka ciidamada ee isugu jiro Soomaali iyo Turkish uga mahadceliyay dadaalka ay geliyaan in ay soo saaraan dhallinyaro xirfad fiican u leh badbaadinta Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here