Somaliland oo cabasho ka ah in Coronavirus uu saameyn ku yeeshay Ictiraaf raadintii

yaasiin faratoon

Somaliland ayaa maanta si cad u sheegtay in cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus uu saameyn ku yeeshay ‘Ictiraaf raadintii’, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax-banaan oo u qalma in la aqoonsado.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yasiin Faratoon oo arrintaasi daboolka ka qaaday, ayaa waxa uu xusay in isku socodka dunida ee istaagay uu saameyn ku yeeshay Baadi-goobkii ay ugu jireen inay helaan aqoonsi.

Faratoon ayaa sheegay inay Beesha caalamka xaq ugu leeyihiin inay aqoonsadaan, maadama uu sheegay in ay yihiin Dal bisayl siyaasadeed leh oo dimuqraadiya, isla markaana uu ka jiro sharci iyo kala-dambeyn.

“Xanuunka Coronavirus wuxuu hakad galiyey, saamayna ku yeeshay wax walba, waxaanu sababay in dalalkii Calaamku uu dal walba samaayn xooggan uu ku yeeshay, inagu’se xidhiidhkii wanaagsanaa ee aynu la lahayn Caalamka waa sidiisii” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

“Dal ka mid ah Caalamka, ayeynu nahay, dal jira oo u baahan aqoonsi caalamiya ayeynu nahay, waxaynu nahay dal bisayl siyaasadeed leh oo dimuqraadiyadda, nidaamkiisa dawladnimo u dhamaysitran yahay, xasilooni taama iyo kala dambayn leh, dal hay’addihiisi dawladnimo u dhamaystiran yihiin, sidaas awgeed waxaanu diyaar u nahay in Beesha Caalamka ku qancino jiritaankayaga dawladnimo iyo mawqifka qaranimadayada”.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Markaas maadaama aanu ka mid nahay Caalamka, xaq baanu u leenahay in aanu Caalamka ka helno aqoonsi caalamiya, haddii aanu nahay Xukuumadda Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu kaga dhabayno himilada shacabkayaga iyo in aanu raacno jid kasta oo aanu aqoonsi ku keenayno”.

Wasiir Faratoon ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay inay aad u ilaaliyaan caafimaadkooda, isla markaana qaataan talooyinka caafimaad, isagoona bogaadiyey shaqada guddiga qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here