Somaliland oo sheegtay in ay karantiishay dad looga shakisan yahay Coronavirus

Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay Karantiishay dad ka yimid dalka Shiinaha, oo ah halkii ugu horeysay ee uu ka dilaacay fayruska halista badan ee Corona.

Somaliland ayaa xaqiijisey inay muddo 14-cisho ah ay meel gaar ah ku Karantiishay dadkaasi ka yimid Shiinaha, si looga baaro fayruska, isla markaana loola socdo xaalkooda wixii ku soo kordha mudadaasi.

Saraakiil ka tirsan Wasaraada caafimadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ka yimid Shiinaha ku karantiimeysay goobo ay Wasaaradu ka hirgelisay gudaha madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay ka dhawaajiyeen in dadka ka yimaada Shiinaha si gaar ah u baadhan, isla markaana muddo labo todobaad ah ay ku hayaan goobaha wasaaradu ugu talo-gashay, iyadoona gebi laga joojiyo inay wax xidhiidh ah la sameeyan dadka.

Waxa kale oo ay sheegen in dadkaasi ay Karantiiman ay si aad ah u ilaaliyaan, isla markaana ay ka ilaaliyan cid ay la kulmaan ama xidhiidh la sameeyanba.

Saraakiishaasi wasaarada caafimaadka ayaa waxa kale oo ay beeniyeen in dad ka yimid Shiinaha oo si fiican loo baarin ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here