Somaliland oo war cusub ka soo saartay maalgashiga Itoobiya ee dekedda Berbera

yaasiin faratoon

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay warbixin shalay uu daabacay wargeyska Capital ee ka soo Addis Aababa, kaas oo shaaciyey in dowladda Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay ku laheyd horumarinta dekedda Berbera.

Wasiir Faratoon ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi, isagoona ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya oo ku aadan arrintaasi, sidoo kalena uusan jirin xiriir ay la soo sameyn dhinacooda.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale  tilmaamay in heshiiskii ku saabsanaa horumarinta iyo ballaarinta dekadda magaalada Berbera oo ay horay ula galeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka uu sidiisa yahay.

Shalay ayey aheyd markii Capital uu qoray inay Itoobiya hakisay mashruucaasi, islamarkaana ay qorsheyneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Sudan.

Heshiiska dekedda Berbera ayaa ah mid saddex geesood ah, waxaana Imaaraadka uu ku leeyahay 51%, sidoo kale Itoobiya ayaa leh 19%, halka Somaliland ku leedahay 31%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here