Somaliya oo ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq Gudoomiye Yariisow

villa somalia1

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroordiiq ah.

Sidoo kale waxaa lagu xusay in guddi loo saaray aaska Gudoomiye Yariisow.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sida lagu baahiyay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ee dowladda Soomaaliya, waxaa arrintan xaqiijisay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Eng Yariisow ayaa lagu dabiibayay cisbataal ku yaalla magaalada Dooxa ka dib dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose.

Sida ku xusan warsaxaafadeedka. “Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)”.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan.

Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here