Soo xulista xildhibaanada Galmudug oo ka bilaabatay Dhuusamareeb + Sawirro

odayaasha dhaqanka dhuusamareeb1

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug si rasmi ah uga bilabaatay howlaha doorashada Maamulka Galmudug oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan u hakan doonin khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Ahlu Sunna.

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug ayaa guda galay howshii ugu horeysay ee bilowga u ah soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyagoo la kulmay odayaasha dhaqanka ee saxiixayo Xildhibaanada cusub ee uu yaalan doono maamulkaas.

Guddiga Farsamada iyo Odayaasha leh saxiixa xildhibaanada Galmudug ayaa Maanta ku kulmay Dhuusamareeb, waxayna ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa geeddi socodka dhismaha Galmudug.

Maalinta Sabtida ee soo socoto ayaa la filayaa in la xareeyo odayaasha dhaqanka, waxayna guddiga iyo odayaasha ka wada shaqeyn doonaan howsha soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo noqon doono 89.

Xildhibaanada Maamulkaas ayaa waxaa loo qeybsan doonaan sida uu qabo dastuurka Galmudug ee ah hab qeybsiga Beelaha, waxaana la raaci doonaa habkii markii hore loo soo xulay xildhibaanada waqtigooda dhamaaday.

Todobaadkan ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug uu ku dhawaaqay jadwalka doorashada Galmudug, iyadoo la filayo in geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha December ee soo socota.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay tallaabadaan ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna iska diiday 15 Xildhibaan oo ay u ogolaatay Dowladda Dhexe, waxayna Ahlu Sunna go’aan ku gaartay inaysan qaadan doonin tiro ka yar middii lagula heshiiyey ee aheyd 35 Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here