Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay caqabadaha heysta Ardeyda Soomaalida

xildhibaan goodax barre

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullahi Godax Barre oo ay wehliyo safiirka safaaradda Soomaaliya Cabdixakim Cabdullahi cumar camey ayaa kulan la yeeshay magaalada Addis Abeba, ee dalka Itoobiya Wasiirka sayniska & Tacliinta Sare ee dalka Itoobiya, Hirut Woldemariam.

Kulanka ayaa waxay uga  wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen iskaashiga Horumarinya waxbarashada labada dal iyo qodobo kale.

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa la wadaagay dhigiisa dalka itoobiya horumarada waxbarashada ee uu samaysay intii uu joogay, waxaa uu sidoo kale kala hadlay dhibaatooyinka haysta ardayda soomaaliyeed ee waxkabarta dalka Itoobiya.

Wasiirka waxbarashada dalka itoobiya ayaa sheegay in uu wax kaqabanayo Caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed waxaa sidoo kale la isla gartay in la saxiixo is-afgaradka waxbarasho ee kadhaxeeyo labada dal.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in la magacaabo guddo farsamo oo labada dhinac ah oo kasoo shaqeeya wax ka badalka is-afgarad ka waxbarasho iyo caqabadaha ardayda haysta si labada wasaaraddod ay uxaliyaan, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Kulankaan Maanta dhex-marey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo dhiggiisa dalka Itoobiya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa  xilli dhawaan Baraha Bulshada lagu faafiyey Muuqaalka Arday sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada Puntland Waxbarasho ugu dirtey dalka Itoobiya,isla markaana ay caqabad ku heysato Magaalada jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here