Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii gantaalaha ee Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga

w arimaha dibada cawad2

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar loo adeegsaday gantaallo oo ay Xuutiyiinta Yemen, Sabtidii lasoo dhaafay ku qaadeen magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Warkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weerarkaas u aragto xadgudub weyn iyo carqaladeyn ka dhan ah deganaanshaha gobolka, iyadoo la iska dhega tirayo baaqyada nabadda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si cad u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay ku garab sii doonto, sidii ay uga hor tegi laheyd cid kasta oo carqaladeysa amnigeeda qaran.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya waxay ku cadeysay warkan in si buuxda ay u garab taagan tahay howlgalka Sacuudiga ee ka socda dalka Yemen, kaas oo ay xukuumaddu ku tilmaantay mid xal loogu raadinayo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen”ayaa lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warkan oo ku qoran luuqadda Carabiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here