Soomaaliya oo gaartay guul siyaasadeed + is afgaradka Kenya iyo dacwadii oo go’aankeeda Maxkamada loo dhaafay

farmaajo sisi uhuru

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham sida ay sheegtay madaxtooyada Villa Somalia.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Sida lagu xusay qoraalka Villa Somalia Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiiska loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.


Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u mahadcelinayso Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi oo dawrka hoggaamineed ka qaatay wada hadallada Kenya iyo Soomaaliya.

Talaabadan ayaa a guul weyn oo ay gaartay Dawladda Federaalka Soomaaliya, maadaama taladeedii aayd in Dacwadda badda go’aankeeda loo daayo Maxkamada, islamarkaana ay labada shacab xiriir fiican yeeshaan, arintani waxay meesha ka saaraysaa Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Kenya ku gacan siinayey siday badda Soomaaliyeed u qaadan lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here