Soomaaliya oo qunsuliyado ka furaneysa magaalooyinka Mareykanka

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar kamid ah magaalooyinka Mareykanka, sidda uu ka dhawaajiyey safiirka waddanka u fadhiya Washington.

Danjire Cali Shariif oo ka hadlayey xaflad ka dhacday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sarre ee xukuumadda Muqdisho.

Soomaaliya ayaa bishii September, 2019, dhisme u iibisay safaaradeeda Washington. Dhismaha oo ku yaala degaanka Wyomin waxaa 4.3 milyan oo Doolar laga siiyey Colombia. Lacagta waxaa bixisay Qadar.

Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay gudaha Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan.

“Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxda-yadii, maadaama ay Jaaliyadu balaaran tahay waddankana [Mareykanka] meelo kala duwan ay ka joogto in adeega loosoo dhaweeyo oo qunsul-yaddo laga furo meelaha ay dadka ku badan yihiin si adeega ay Washington DC ugu imaan lahaayeen ay uga helaan meeshooda wixii suurtogal ah,” ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay Cali Shariif, arrintaan ayaa kamida qorsheyaasha safaaradda ku talajirto in ay fuliso sanadka dambe ee 2020-ka.

“Dhib kasta ha jiro, waxaan rajeynaynaa in sanadka 2020-ka, qarnigaas in uu noqdo qarnigii Soomaalida,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhinaca kale, safiirka oo ku celiyey in dowladdu taageersan tahay murashaxnimadda Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramadda Midoobay ayaa Soomaalida ku booriyey in ay garab-istaagaan.

Ugu dambeyntii, danjiraha oo si lamid ah Soomaalida ku tartarsiiyey in ay xoojiyaan wadajirkooda ayaa ku waaniyey in ay kaalin ka cayaaraan sidii dalka looga saari lahaa liiska wadamada uu xayiraada saarey Trump.

MUUQAALKA SAFIIRKA

Safiir Shariif Cali Shariif axmed”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Safiir Shariif Cali Shariif axmed” ayaa caawa la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Slået op af Xogmaal Media i Søndag den 15. december 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here