Soomaaliya u joogsan mayso qoys sadbursiinyo doonaya ama cadow u adeegaya

shirka wadatashiga puntland2

Dawladda Federaalka iyo Umadda Soomaaliyeed waa inay ogaadaan in shirka Garoowe ka furmay ee loogu yeeray Shirka wadatashiga puntland aanu ahay mid ay u dhan yihiin beelihii iyo degaanadii Puntland wada sameystay, iyadoo la wada ogsoon yahay in Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka bexeen oo Taleex ku sameysteen Maamulkii Khaatumo ee Madaxweyne Xasan Shiikh oo baqayaa uu diiday inuu aqoonsado, Laylkase, Awrtable iyo dhamaan reer barrina aanay raali ka ahayn oo sugayaan inay Dawladda Soomaaliya soo gaarto.

Shirka Garoowe ka furmay xaqiiqdii waa shirka Wadatashiga Maxamuud Saleebaan iyo Faankoodii oo looga sheekayn doono waxyaalaha dhalanteedka ah ee u qabsoomay, barwaaqo, hooyada federaalka IWM.

Ujeedada dhabta ah ee shirku waa sadbursi, goolaaftan iyo in Soomaali lagu burburiyo, waxaana dabada ka wada cadowga Soomaaliyeed ee Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo u soo tafo xaytay boobka dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxayna ku dhegan yihiin Fekeraddii gumaysiga ee Mahiiga iyo Gabre keeneen ee ku saleysnayd inaan Soomaliya xoog lihi dib u dhismin oo loo qaybiyo Maamul Goboleedyo qabiil ku huwan.

Maamul Goboleedyada Hirshabeele, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Gedo waxaa hogaamiye kooxeedyaddii haystay looga xoreeyey dhiig dad, sidaas darteed Madaxweyne Madaxmed Cabdilaahi Farmaajo laga aqbali maayo in maslaxaad, sadbursi iyo baad laga ogolaado labada nin ee DAAROOD ee Axmed madoobe iyo Siciid deni ee u adeegaya Cadowga Soomaaliya.

Waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in aan la ogolaanin in qoys sadbursi doonaya oo arki-jiray doon ah ay ku mashquulaan oo waxqabadkooda kaga jeestaan, waa inay maskaxda iyo cududoodaba ay isugu geeyaan sidii Goboladda Jubooyinka looga xoreyn lahaa Kenya iyo kuwa ay ku adeeganayso, Puntland-na waxay mari doonta halkii Maamuladdii hore mareen, loomana baahna in waqti lagu lumiyo wax aan dawoobaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here