Suudaan: Ciidanka iyo shacabka oo dhisay gole madaxbannaan

banaanbax sudan

Hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan iyo isbahaysiga mucaaradka ayaa dhisay gole madaxbannaan oo hoggaamiya dalka muddo saddex sano ah oo kala guur ah, si xukunka loogu celiyo xukuumad rayid ah.

Golahan ayaa ka kooban lix ruux oo shacab ah iyo shan sarkaal oo milatariga ka tirsan, waxaana marka hore hoggaanka u qaban doono Sarreeye Guud Cabdulfatax Cabdulraxman Burhan.

Hoggaamiyihii Suudaan ayuu xukunka kala wareegay ka dib markii xilka xoog looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Golahan ayaa la dhaarin doonaa subaxa Arbacada.

Isla Arbacada galinkeeda dambe ayaana la filayaa in la dhaariyo ra’iisulwasaare.

Tallaabadan u dambaysay waxaa ku dhawaaqay afhayeenka Golaha Millatariga ee ku meelgaarka ah.

Gudigan ku meelgaarka ah ayaa taladalii kala wareegay Al Bashiir bishii Abriil. Intaas dabadeedna Suudaan waxaa ka dhacay mudaaharaadyo dimuqraadiyad lagu dalbanayo iyo hawlgallo ammaan.

Maxaa socda?

Gudiga milatariga ah ee Suudaan iyo isbahaysi mucaaradka ee shacabka ah ayaa maalmo ka hor sixiixay heshiis awood qaybsi ah.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in la sameeyo gole madaxbannaan, isla markaasna uu wareegto noqdo hogaanka golahaas muddada saddexda sano ah ee uu shaqayn doono.

Waxaa loo qaabeeyay in uu waddada u xaaro doorasho iyo xukuumad rayid ah.

Jeneraal Maxamed Hamdan “Hemeti” Dagolo oo loo arko ninka ugu awoodda badan Suudaan ayaa ku dhawaaqay in uu u hoggaansami doono shuruudaha heshiiskaas ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here