Switzerland oo bilowday qorshe gargaarka Iran lagu gaadhsiin karo

bukaan iran

Waxa dalka Switzerland laga hirgeliyey qorshe cusub oo lacagaha lagu bixin karo oo suuro gelinaya in gargaarka aadamenimo Iran loo diri karo iyada oo aan lagu xadgudbayn cunaqabataynta Maraykanku saaray.

Bukaanka qaba cudurka Kansarka iyo kuwa u baahan in xubno loogu deego ayaa noqona cidda ugu horraysa ee qorshan ka faa’iidaysan doonta.

Maraykanku wuxu sheegay in hanaankaasi lagu maamuli doono “qawaaniin adag oo suurto gelinaya in aanu lacagahaa ka faa’iidaysan maamulka Iran”.

Agabka gargaarka ah ayaan ku jirin waxyaabaha la saaray cunoqabataynta Maraykanka, laakiin qododbada qaarkood ayaa Bankiyada shisheeye qaarkood ka xannibayey in ay la macaamilaan Tehran.

Xukuumadda Swiss-ka ayaa sheegay in hanaankan cusub ee lacagaha lagu bixinayo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in shirkadaha fadhigoodu yahay Switzerland ay helaan “hanaan cusub oo lacagaha agabka gargaarka ah ay Iran ugu iibinayaan loo marin karo bankiyadaa”

Waxaanay intaa ku dartay “sidaa awgeed waxay Switzerland gacan ka geysanaysaa in agabkaa gargaarka ah ee ay ka midka yihiin kuwa beeraha, cuntada, dawooyinka iyo qalabka caafiaadkdu ay gaadhaan dadka u baahan, waana arin dalku ku joogtaynayo soo yaalkiisa gargaar”.

Xeerarkan cusub ee qorshahani waxay dhigayaan in Maraykanku ogolaansho siiyo wax kasta oo aan xad gudub ku ahayn cunoqabataynta.

Dhankoodana shirkadaha wax u dhoofinaya Iran iyo bankiyada ay lacaguhu marayaan waa in ay xog buuxda ka bixiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin ururada gargaarka ee Iran ka shaqeeya.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa iyadna xaqiijisay in wejigii koobaan ee qorshan maaliyadeed dhamaystirmay, waxaanay intaa ku dartay in “qorshahani yahay mid suuto gelinaya in gargarkale oo aadamenimo loo diro Iran”.

Madaxweynaha Iran oo kormeeraya xarumaha nukliyeerka midkood
Madaxweynaha Iran oo kormeeraya xarumaha nukliyeerka midkood

Maraykanka ayaa cunoqabatayn dhaqaale saaray Iran, taas oo ka dhalatay barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga ah waxaanu ku eedeeyey in uu barnaamijkaasi wiiqayo xasiloonida gobolka.

Washington waxay sheegtay in cunoqabatayntani beegsanayso dad iyo shirkado tiradoodu tahay sideed iyo toban oo taageera barnaamijka gantaalaha Iran ama ciidanka awoodda badan ee ilaalada Jamhuuriga Iran.

Wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa ku tilmaantay cunoqabatayn tan mid “dhan keliya ah oo sharci darro ah”. Waxaanay ku goodiday in ay tallaabo fal celin u ah qaadi doonto oo ay Iran na Maraykanka cunoqabatayn saari doonto.

Tallaabadan u dambaysay ee Maraykanku qaaday waxa la shaaciyey maalin uun ka dib markii Aqalka Cadi sheegay in Iran ku dhaqmayso qodobada heshiiskii nukliyeerkeeda ee ay la gashay quwadaha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here