Taaj la xaday qarnigii 18 aad oo maanta lagu wareejiyay Abiy Axmed

abiy axmed2

Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands.

Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya. Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands, Sigrid Kaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here