Taliban oo sheegtay in Mareykanku khasaaraha ugu badan ku qabo wadahadallada baaqday

trump2

Ururka Taliban ayaa sheegay in Mareykanku uu khasaaraha ugu badan ku qabo wada hadallada baaqday, ee la doonayay in lagu soo afjaro dagaalka 18-ka sano jirsaday ee ka socda Afghanistan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen, ayay ku sheegeen in wax walba ay si wanaagsan ku socdeen ilaa markii dambe uu Mareykanku baajiyo wadahadallada nabadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa habeenkii Sabtidii qoraallo xiriir ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kuwaasoo uu ku baajiyay kulan qarsoodi ahaa oo ka dhici lahaa Camp David.

Wuxuu sheegay in go`aankaasi uu yimid kaddib markii Taliban ay qirteen inay ka dambeeyeen weerar dhowaan lagu dilay askari Mareykan ah.

Muxuu qorshuhu ahaa?

Tallaabo aan la fileyn ayuu Mr Trump ku abaabulay inuu la kulmo hoggaamiyeyaal sare oo Taliban ka tirsan iyo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.

Kulamada ayaa noqon lahaa kuw kala goonni ah, iyadoo Taliban ay diidday inay si toos ah ula kulanto dowladda Afghanistan, iyagoo ku eedeynaya inuu Mareykanku ku adeegto.

Sanadkii 2001, Mareykanka ayaa ciidammadiisa geeyay Afghanistan wuxuuna xukunka ka tuuray dowladdii Taliban, isagoo sababta ku sheegay in dagaalyahannadu ay gabbaad siiyeen shabakadda al-Qaeda si ay u abaabulaan weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa difaacay ujeeddada laga lahaa in Taliban lagu martiqaado Mareykanka, maalmo kahor sanadguurada weerarka.

Wuxuu sheegay in sababta Camp David loo doortay ay tahay in hore ay uga dhaceen wadaxaajoodyo nabadeed.

Maxaa sababay in kulanka la baajiyo?

Khamiistii ayey aheyd markii gaari ay Taalibaan ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku qarxiyeen magaalada Kaabul halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof oo mid uu ahaa askari Ameerikaan ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Romania oo la shaqeynayay howlgalka Nato ay horkacayso ee dalkaasi ka shaqeeya.

Weerrarka ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay cabsida ah in wadaxaajoodka u socda Mareykanka iyo Taalibaan uusan soo afjari karin qulqulatooyinka maalinlaha ah ee dalkaasi Afgaanistaan iyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ahba.

Dadweynaha Kabul ayaa su`aalo iska weydiiyay sababta dhimashada askari ay u sababtay baajinta kulan nabadeed.

“Marka, dadka reer Afghanistan ee sanadihii la soo dhaafay noloshooda ku waayay dagaallada, dhiiggooda qiimo malaha miyaa?” ayuu mid ka mid ah dadka degaanka u sheegay BBC-da.

Falanqeynta weriyaha BBC-da

Tan iyo markii uu ergayga Mareykanka, Zalmay Khalilzad, uu todobaad ka hor tegay magaalada Kaabul isagoo wada warka ah “in mabda’ ahaan heshiis la gaaray,” ayaa waxaa dalkaasi ka dhacayay weerraro maalinle ah oo ay Taalibaan soo qaadaysay, iyo caro sii kordhaysay oo ka jirta gudaha dalka Afgaanistaan iyo Mareykankaba.

Taalibaan ayaa sheegtay inay beegsanayso xooggaga shisheeye. Hasayeeshee marwalba waxa ay dhibta soo gaartaa dadka rayidka ah ee Afgaanistaan.

Heshiiska cusub ayaa la sheegay inay ku jirto oo kaliya in Taalibaan ay weerrarada dhimayso oo kaliya. Diblumaasi sare oo Ameerikaan ah ayaa waxa uu sheegay inay aqbaleen doodda Taalibaan ee ah xabbad joojin ay tahay waxa ugu wayn ee ay kula gorgortamayaan wadahadallada ay la galayaan dowladda Afgaanistaan kuwaas oo lagu wado inay dhawaan markii ay dhammaadaan wadaxaajoodka Mareykanka.

Sarkaal sare oo dowladda Afgaanistaan ka tirsan ayaa si caro leh iigu sheegay “xabbad joojin in la gaaro waa waxa innaguna aan ku gorgortan tagayno,” waxa uuna ku adkaystay in dowladdu aanay aqbalin heshiiska haatan miiska saaran. Hogaamiyayaasha Afgaanistaan ayaa waxa ay Mareykanka ku eedaynayaan inuu sharciyad siinayo Taalibaan taas oo sii dhiirigelisay un.

Sidoo kale waxaa soo ifbaxaya shaki badan, oo uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Trump, kaas oo ah in waajibaadkasta oo ay galeen dadkii Taalibaan ku matalayay Dooxa aanay warkooda fulinayn taliyayaasha ku sugan gudaha dalkaasi.

Dhinac walba muxuu ka doonayaa wadahadallada?

Maleeshiyaadka Taalibaan ayaa haatan waxa ay maamulaan dhulkii ugu ballaarnaa ee ay gacanta ku hayeen tan iyo 2001 markaas oo uu Mareykanku dalkaasi xoogga ku galay, waxa ayna diiddan yihiin inay la hadlaan dowladda Afgaanistaan, kuwaas oo ay u arkaan inay dabadhilif u yihiin Ameerikaanka.

Mareykanka marka uu dalkaasi isaga baxo waxa uu Taalibaan ka doonayaa inay u xaqiijiyaan in Afgaanistaan aanan mar dambe loo adeegsan doonin inay saldhig u noqoto kooxo maleeshiyaad ah oo raba inay weerraraan Mareykanka iyo xulafadiisa.

Qaar ka mid ah dadka Afgaanistaan ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in heshiiska uu burburin doono xuquuq iyo xorriyad si adag lagu gaaray. Maleeshiyaadka ayaa waxa ay dalkaasi ku soo rogeen shuruuc diimeed oo adag iyagoo haweenka si adag ula dhaqmayay intii ay maamulka hayeen laga soo bilaabo 1996 ilaa 2001.

Ku dhowaad 3,500 oo askari oo ka kala socday ciidammada isbahaysiga caalamiga ah ayaa ku dhintay dalka Afgaanistaan tan iyo markii dalkaasi ay galeen 2001, iyadoo in ka badan 2,300 oo askartaasi ka mid ah ay Ameerikaan yihiin.

Aad ayey adag tahay in la tiriyo tirada dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalkaasi, waa rayidka Afgaanistaan, maleeshiyaadka iyo ciidammada dowladduba. Warbixin ay bishii Febraayo soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku sheegtay in 32,000 oo qof oo rayid ah dalkaasi lagu dilay. Mac-hadka Watson ee Jaamacadda Brown ayaa sheegaya in 58,000 oo ciidamo ammaan ah iyo 42,000 oo askar iska soo horjeedday ah ay halkaas ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here