Taliska Africom oo si rasmi ah u xaqiijiyey dilka Bashiir Qoorgaab

us africom

Taliska Ciidamada Militariga dalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFIRCOM ayaa xaqiijiyey geerida hoggaamiye sare oo ka tirsanaa  Kooxda Al-Shabaab, kaasoo duqeyn lagu dilay Bishii hore ee February.

Hadalka kasoo baxay Taliska Militariga AFRICOM ayaa lagu sheegay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey.

“Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey,” ayuu yiri afhayeenka taliska Korneyl Chris Karns.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid dhanka cirka laga fuliyey, uuna ka dhacay magaalada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Wuxuu tilmaamay inuu weerarkaas dhacay 22-dii Bishii Februay ee sanadkaan 2020 tan iyo waqtigaasna uu socday baaritaan ku aadan xaqiijinta dhimashadiisa.

Dilka Hoggaamihayaan ayuu ku sheegay inay tahay horumar laga gaaray in meesha laga saaro khatarka ay Afirkaanka io Ameerikaanka kala kulmayaan Argigixisada sida hadalka loo dhigay.

“Tani waa hormay, waxay meesha ka saareysaa khatarta ay Afrikaanka iyo Ameerikaanka kala kulmayeen argagixisadda, waxayna dharbaaxo ku tahay cadowg” ayuu Korneyl Chris Karns u sheegay Idaacadda VOA.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in dilkaan uu suurtagalay kadib markii ay macluumaadka sirdoon is dhaafsadeen Soomaaliya iyo Mareykanka.

Hoggaamiye Qoorgaab ayaa dhashay sanadkii 1982, wuxuuna xiriir dhow la lahaa hoggaanka Kooxda Al-Shabaab, waxayna dhimashadiisa saameyn ku yeelatay gudaha kooxda, wuxuuna kooxda ka hayey xilka abaanduulaha guud ee Al-Shabaab.

Sidoo kale Qoorgaab ayaa la sheegay inuu ahaa madaxii Howlgalada ee dalka Kenya halkaas oo Kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro badan oo khatar geliyey amniga dalkaas, wuxuuna kamid ahaa golaha Fulinta.

Bashiir Qoorgaab ayaa magacyada loo yaqaan waxay kala ahaayeen: Bashir Mohamed Mahmoud, Bashir Mahmud Mohammed, Bashir Mohamed Mohamud, Bashir Mohamed Mohamoud, Bashir Yare, Bashir Qorgab, Gure Gap, Abu Muscab, Qorgab.

Warka ku saabsan dilka Qoorgaab ayaa imanaya ayada oo sirdoonka Soomaaliya ay dhowaan shaaciyeen in laga qaaday xilalkii uu ka hayey Al-Shabaab.

Qoraal ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay 3-dii Febraayo soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here