Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si rasmi ah u magacaabay taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha cusub ee guutada 15-aad qeybta 21-aad ciidanka Militeriga ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay, Taliyihii ugu sareeyey ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladdu la wareegtay S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame.
Magacaabistan oo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kusoo aadeysa xili ay siyaasad cakiran ka dhex aloosantahay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.
Hoos ka akhriso warqadda magacaabista: