Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga oo tagay degaano ay ciidamada dowladda iyo Shabaab isku hor fadhiyaan

General Maxamed Cali Bariise

General Maxamed Cali Bariise oo ah taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa safar ku tagay degaano ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe.

General Bariise oo wata ciidan aad u qalabeysan ayaa abaabul dagaal ka wada degaano dhaca inta u dhaxeysa Cadale iyo Aadan Yabaal, sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi.

Taliye Bariise ayaa ku sugnaa degaanka Xaaji Cali markii ay uu dagaalka ka dhacayay Geelgub oo gaadiid looga qabsaday Milateriga Soomaaliya, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka Milateriga Soomaaliya General Maxamed Cali Bariise ayaa gobalkaas u jooga sidii uu Al-Shabaab uga saari lahaa Geelgub iyo degaano kale oo ka tirsan gobalkaas oo ay soo galeen todobaadyadii la soo dhaafay islamarkaana ay bilaabeen in ay dadka ka qaadaan xoolo baad ah.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa kusii ururayey kuna xoogaysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe, tan iyo markii ciidamada dowladda ay kasoo saareen deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa marar badan ka codsaday dowladda inay howl-galka Shabeellaha Hoose kusoo ballaariso Shabeellaha Dhexe, kana sifeyso Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here