Tigreegu ma waxay doonayaan iney ka go’aan dalka Itoobiya?

astaanta xisbiga TPLF

Qoraal lagu daabacay wargeyska afka xisbiga Tigreega ku hadlo ee ‘Wayin’ ayaa deegaanka Tigreega ku tilmaamay inuu dal oo kale yahay (Defacto State), qoraalkaasi oo lagu tilmaamay inuu yahay mid sii kala fogeynayo khilaafka bariyahanba u dhaxeeyey EPRDF iyo TPLF.

Haddaba iyada oo wargeyska qoraalka uu daabacay laga duulaya ayaa waxaa dalka Itoobiya si weyn looga hadal hayaa deegaanka Tigreega inuu doonayo inuu ‘ka go’o dalka Itoobiya intiisa kale.

Makonnin Fiseha oo jaamacadda Maqale ka dhiga culuunta sharciga oo ka hadlay qoraalka wargeyska ayaa sheegay “wargeyska waxaa iska leh xisbiga TPLF waxaana lagu soo saaraa mowqifka siyaasadeed ee xisbigaasi marka qoraalkaasi sawirka uu bixinayo kama sii hordhacayo, laakiin waxaan sheegi karaa iney arrinin jirto.”

Qoraalkana inta aan wargeyska ‘Wayin’ lagu soo daabicin ka horna waxaa hadalkaasi marar badan laga maqlayey dadka deegaankaasi u ololeeya, aqoonyahannada deegaanka oo dareen noocaasi muujinayey.

Mr Makonnin waxaa kale uu leeyahay TPLF ma doonayo deegaanka Tigreega inuu ka gooyo dalka Itoobiya lama dhihi karo, oo waxay marar badan sheegeen in tallaabbadaasi ay jiraan arrima badan oo ku qasbi karo, hase yeeshee taasi ma aha mid ay TPLF keligeed go’aan ka gaareyso.

Mar uu wariyaha weydiiyey ka aqoonyahan ahaan mowqifkiisa gooni-isu-taagga tigreega wuxuu sheegay ‘Shacabka Tigreega inuu doonayo inuu ka sii mid ahaado Itoobiyada weyn’.

“Hase ahaatee, shacab intee le’eg oo deegaanka Tigreega u dhashay ayaa doonaya gooni-isu-taag waxay u baahan tahay darasad dheer”, ayuu yiri.

Shirki golaha dhexe uu Xisbiga EPRDF oo ay Tigreegu ka midka tahay laguna go’aaminayey masiirka xisbiga TPLF kama qayb gelin iyaga oo horayna u sii sheegay iney shirkaasi ka qayb geli doonin.

TPLF waxay marar badan bayaanna ka soo baxay uu ku sheegay go’aannada ka soo baxa dowladda/EPRDF inuusan siyaaba kala duwan u aqbaleyn, taasoo muujineyso kala duwananaasha siyaasadeed ee xisbiga uu qabo.

Astaanta xisbiga TPLF
Astaanta xisbiga TPLF

Waxayna shacabka dalkaasi isweydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin xisbiga tigreega ee TPLF ma ka bixi doonaa EPRDF? Haddii ay EPRDF iyo TPLF ay kala tagaan maxaa ka dhalan kara?

Xisbiyada urur weynaha EPRDF ka tirsan ee taageeraya midnimadiisa iyo xisbiyada horay bahwadaagta la ahaa haddana xisbigaasi ku biiraya waxay aminsan yihiin inuu xisbiga TPLF sidi hore uu wax ku soo wadi jiray haddii uu doonaya ay wax badan u suuragaleyn.

Kulanki uu Axaddi si gaar ah uu Ra’usl Wasaare Dr Abiy Axmed ula yeeshay guddiga fulinta TPLF ee natiijada la’aanta ku soo dhammaaday ayaa la sheegay iney arrintan astaan u tahay.

Ra'sul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed

Billowga midnimada Xisbiga

Arrinta mideynta xisbiga EPRDF oo ahayd mid bilooyin la hadal hayey ayaa waxaa lagu wadaa inuu xisbiga la midoobo xisbiyada 5-ta oo bahwadaagta la ahaa sida Soomaalida, Cafarta, Gaambeella, Benishaangul iyo Hararida, waxayna arrintan guddiga fulintu sheegeen inay go’aan ka gaareen maalintii shalay.

Xisbiga EPRDF oo dalka Itoobiya ka soo arriminayey ku dhawaad 30 sano waxaa ku mideysnaa oo keli ah xisbiyo ka soo jeeda qowmiyadaha Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed. Waxaana sanada badan la isweydiinayey xilliga uu xisbiga qowmiyada kooban ka gudbayo una gudbayo xisbi heer qaran.

Xisbiga haddii uu midoobana wuxuu la bixi doonaa EPP, guddiga fulintana wuxuu si qoto dheer uu uga dooday barnaamijaka qabyada ah ee mideynta xisbiga.

Haddaba mideynta Xisbiga muxuu la imanayaa?

Mr Faqadu Tesema oo go’aanka guddiga fulinta xisbiga uu arrintan ka gaaray kala hadlay warbaahinta dalka Itoobiya wuxuu sheegay in shirka looga dooday nidaamka federaalka ee hadda jira, afafka, caddaaladda iyo jiritaanka qaran, wakaalasho caddaalad ku saleysan iyo arrima kale.

Xisbiga cusub ee la damcsan yahay ee heer qaranna waxaa gundhig u noqonaya shan qodob:

  1. Si nidaam federaal ah oo dimuqraadiyad ku dhisan qowmiyadaha dalka oo dhan ay iska dhex arkaan loo xoojin lahaa in barnaamijka iyo xeerarka xisbiga lagu soo daro.
  2. Xuquuqda dastuuriga ah ee ay qowmiyadaha dalka u leeyihiin iney ismaamulaan ilaa iyo aaya ka tashi in la dhowro.
  3. Xisbiga in si caddaalad ah looga qayb geliyo xisbiyada bahwadaagta la ahaa xisbiga iyo qowmiyadaha dalka oo dhan si ay xisbiga isaga dhex arkaan.
  4. Siyaasadda dalka in lagu hoggaamiyo sii xoojinta jiritaanka qowmiyadaha iyo midnimada umadda.
  5. In la ictiraafo afafka badan isla-markaana xisbiga uu aqoonsado afaf kale oo dalka looga shaqeyn karo.

Go’aanka xiga yaa laga sugayaa?

Go’aanka uu arintan ka gaaray guddiga fulinta xisbiga EPRDF ma aha mid halkaa ku istaagaya. Balse, waxaa lagu soo bandhigayaa shirweynaha xisbiga uu labadi sanaba mar yeesho. Go’aanka kama dambeysta ee xisbiga uu ku dhaqmana waxaa iska leh oo soo saaraya golaha dhexe ee xisbiga oo ka kooban 180 xubnood oo ka kala imanaya afarta urur uu xisbigu ka kooban yahay.

Kaddibna go’aankaasi waxaa loo sii gudbinayaa golaha guud ee xisbiga oo ay tiradiisu aadka u badan tahay halkaasi ayaana lagu soo afmeerayaa go’aanka midnimada xisbiga oo lagu ogaanayaa go’aanka inuu meel marayo in kale.

Xigasho: bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here