Trump iyo Obama oo gorodda iskula galay isu soo baxyo iska soo horjeeda

trump iyo obama

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo ninka uu xilka kala wareegay, Barack Obama, ayaa waxa ay isu soo jeediyeen cambaarayn kulul intii ay socdeen isu soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen.

Isagoo si kulul ugala hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama waxa uu Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigalinayo cunsuriyiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriga oo ku sugan North Carolina, ayaa isna ku jeesjeesay Mr Obama inuu khalad ka aaminay wixii ka soo baxay doorashadii 2016-kii.

Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay.

Hasayeeshee qiyaasta gobiollada qaar ayay musharrixiintan aad isaga ag dhaw yihiin kuwaas oo hadba dhinac u ridi kara natiijada doorashada 3-da Nofeembar.

Tiradii ugu badneyd ayaa sanadkan codkooda xilli hore dhiibatay, oo 42 milyan oo qof ayaa codkooda ku dhiibtay boostada iyo si caadi ahba.

Muxuu Trump sheegay?

Mr Trump ayaa inta badan hubkiisa waxa uu Arbacadii ku aadiyay ninka Aqalka Cad kula tartamaya ee matalaya Xisbiga Dimuqraadiga.

Waxa uu sheegay in codbixiyayaasha ay tahay inay kala doortaan “soo kabshada la yaabka leh ee uu wado Trump” ama “qulubka ama welwelka ballaaran ee Biden”.

Mr Biden ayaa todobaadkan oo dhan ka maqnaa saaxadda ololaha oo waxa uu isu diyaarinayay doodda madaxtinimada ee habeenka Khamiista ka dhici doonta Nashville, Tennessee, halka Mr Trump uu ku wareegayay gobollada aadka la isugu hayo.

Madaxweynaha ayaa weerrar kulul waxa uu ku qaaday Mr Obama, kaas oo saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimuqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump.

“Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaas oo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump.

Madaxweynaha ayaa ku daray: “Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama”.

US President Donald Trump during a campaign rally in Gastonia, North Carolina. Photo: 21 October 2020
Qoraalka sawirka,Donald Trump could not resist taking a pop at Barack Obama

Mr Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa sidoo kale ayaa waxa uu ku jeesjeesay xamaasad la’aanta uu sheegay in Obama uu u hayo ololaha Mr Biden ee Aqalka Cad, kaas oo ku xigeenkiisa ahaa 2009-kii illaa 2017.

2016-kii, Mr Obama ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saaray Mr Biden inuu tartanka ka haro si Hillary Clinton ay u tartanto, isagoo rumaysnaa inay haysatay fursad wanaagsan oo ay kaga guulaysan kartay Mr Trump.

Sanadkii tegay Mr Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay “dhiig cusub” oo horkaca Dimuqraadiga, taas oo si wayn loogu fasiray inuu ula jeeday Mr Biden.

Muxuu yiri Obama?

Kaddib weerraro adag uu ku qaaday Mr Trump weliba sida uu ula tacaalay fayraska korona iyo dhaqaalaha, ayuu markan Obama isu soo baxa ka dhacay Philadelphia waxa uu Trump ku dhaleeceeyay farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka.

Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.”

Barack Obama at a rally in Philadelphia, Pennsylvania, 21 October 2020

Mr Obama – oo weli ka mid ah xubnaha ugu caansan Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa sheegay in codbixiyayaasha aanay u dulqaadanayn hab dhaqan noocaas ah hadduu la yimaado qof qoyska ka tirsan, “malahayga adeer wareersan oo meel uun jooga mooyee”.

“Maxay dadku arrintaas ugu cudur daaraan?” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: “Habdhaqanka waa muhiim. Dabeecaddu waa muhiim.”

Mr Obama ayaa madaxweynaha waxa uu ku weerraray habka uu ula tacaaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19: “Donald Trump annagoo dhan cudurka nagama ilaalin karo. Xitaa ma qaadi karo tallaabooyinka asaasiga ah ee uu nafsadiisa ku ilaashan karo.”

Ku dhawaad 280 gaari oo taallay meesha la dhigo gawaarida ayaa hoonkooda la yeerinayay, arrintaas oo ay ugu riyaaqayeen habka Mr Obama uu u weerrarayay Trump.

Mr Obama ayaa ololaha xiga ee doorashada waxa uu ka gali doonaa gobolka muhiimka u ah doorashada ee Florida, isagoo Sabtida tegi doona Miami halka todobaadka xigana uu ku wajahan yahay Orlando.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here