Trump oo ka laabtay ninkii uu u xushay agaasimaha sirdoonka Maraykanka

trump john ratcliffe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula laabtay musharraxii uu doonayay in loo anxisiyo jagada agaasimaha sirdoonka qaran ee dalkaasi, John Ratcliffe, kadib markii lagu dhaliilay in ninkaasi aanu u qalmin xilkaasi.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu u sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono “mid dhib badan” maadaama ay warbaahintu si xun uga hadashay mudanahaasi Congress-ka ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas.

Mr Ratcliffe oo u mahadceliyay madaxweynaha ayaa sheegay inaanu dooneyn in shaqadaasi ay noqoto “mid siyaasadeysan oo ay xisbiyada isku qabsadaan”.

Dadka diiddan Mr Ratcliffe ayaa ku eedeeyay inuu ka been sheegay aqoonta uu u leeyahay arimaha sirdoonka.

Mar uu weriyayaasha kula hadlayay dibedda aqalka cad, ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in Mr Ratcliffe ay “warbaahintu si xun ula dhaqantay” uuna rumaysan yahay in mudanaha uu qaatay go’aan sax ah.

Trump ayaa intaa ku daray in warbaahinta ay “qeyb ka tahay hannaanka hubinta” musharraxiinta, waxaana uu weriyayaashii goobta joogay ku yiri “inta badan shaqo wanaagsan ayaad qabataan”.

Agaasimaha qaran ee sirdoonka ayaa waxaa magacaaba madaxweynaha, balse waxaa ansixintiisa leh golaha senate-ka.

Jagadan ayaa la sameeyay kadib weerarradii 11-kii September 2001, waxaana uu agaasimaha madax u yahay 16-ka hay’adood ee uu ka kooban yahay sirdoonka Maraykanka.

Siyaasadda iyo agaasimaha sirdoonka qaran

Hawsha sirdoonka ayaa dalka Maraykanka ka ah mid aan ku xirneyn feker siyaasadeed, balse waxaa laf dhabar u ah dhexdhexaadnimada iyo u adeegidda danaha qaran.

Tusaale ahaan, Dan Coats oo ah agaasimaha xilka wareejinaya ayaa afkaartiisa siyaasadeed waxa ay u janjeertaa dhanka xisbiga jamhuuriga, balse taasi saamayn kuma yeelan hawshiisa ka hor inta aanu xilka qaban madaxweyne Trump.

Madaxweynaha ayaa doonayay inuu John Ratcliffe u magacaabo xilka uu banaynayo Coats, maadaama uu daacad u yahay. Hadda waxa uu raadinayaa qof cusub oo uu xilkaa u dhiibi karo, taasoo walaac ku haysa xubnaha sirdoonka Maraykanka.

Shaqaalaha sirdoonka Maraykanka ayaa isu arka kuwa aan xogtooda cidna ugu eexan, mar kastana runta ka sheega waxa taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here