Trump oo si kulul ugu jawaabay madaxweynaha Faransiiska

trump2

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Farasnsiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in hadafkii gaashaan buurta Nato uu dhintay.

Mr Trump ayaa haatan ku sugan magaalada London halkaasi oo uu kaga qeyb galayo 70 guuradii gaashaan burta Nato.

War saxaafadeed ayuu Mr Trump ku sheegay in Nato ay qabatay shaqo badan oo ka mid ah hadafkii loo asaasay, hadalka Macrona uu yahay mid aflagaaddo ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay u muuqato in Faransiiska uu ka baxayo Nato, balse sababta ma uusan sharixin.

North Atlantic Treaty Organisation ”NATO” ayaa waxaa la aasaasay ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaana looga gol lahaa in looga hortago dhibaatadii sii baahaysay ee Midowga Soviet. 29-ka xubnood ayaa waxay ku heshiiyeen inay iska caawiyaan weerarkasato oo lagu soo qaado.

Balse Mr Macron ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in xubnaha ka tirsan Nato aysan si wadajir ah iskala shaqeyn arrimaha taagan.

Waxa uu ku tilmaamay in gaashaanbuurta Nato uu dhintay hadafkii loo aasaasay isagoona carrabka ku adkeeyay hawlaha uu Mareykanka wado.

Shirka oo la filayo inuu goordhow furmo ayaa waxaa durbadiiba saameeyay khilaafka u dhaxeeya xubanaha ka tirsan gaashaanbuurta gaar ahaanna Faransiiska iyo Turkiga, waxaana cirka isku sii shareeraya doodda ka dhalatay qoondada ay bixiyaan waddama ka tirsan Nato.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu ka hor iman doono qorshaha Nato ee ku aaddan difaaca deegaanka Baltic waa haddii qorshahaasi uusan Turkiga ka caawinaynin dagaalka ay kula jirto kooxaha Kurdiyiinta ee uu Turkiga u aqoonsan yahay argagixiso.

Nato ayaa dooneyso qorsha lagu difaacayo Poland, Lithuania, Latvia iyo Estonia, kuwaasi oo khatar ugu jira inuu Ruushka weeraro balse weli ma cadda faah-faahinta ku saabsan qorshahaasi.

.

Ururka isbeheysiga Nato ayaa loo sameeyay si looga hortago Ururkii Midowga Suufiyet.

Su’aalo ayaa laga keenay sii jiritaanka ururkaan maadaama ururkii Midowga sufiyet ee quwada lahaa uu burburay ku dhawaad 30 sano ka hor.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si joogta ah ugu eedeeyo dalalka Yurub ee xubinta ka ah Ururka Nato inaysan qeyb ka qaadan culeeska difaaca ururkaan.

Muxuu Yahay ururka gaashaanbuurta ”NATO”?

  • North Atlantic Treaty Organisation NATO waa xulafada difaaca ee ugu weyn dunida.
  • Waxaa la aasaasay 1949, ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo looga gol lahaa in looga hortago Ururkii Midowga Suufiyet.
  • Waxaa markii hore lagu aasaasay 12 waddan balse waxaa haatan xubin ka ah 29 dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here