TRUMP oo weerar afka ah qaaday Ilhaan Cumar

ilhaan cumar iyo trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaashiia ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday, Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi.

Trump ayaa inta uu waday hadal-jeedinta ku soo celceliyey magaca Ilhaan Cumar, illaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Ilhaan oo ah gabar Soomaali ah aysan jecleyn Mareykanka, islamarkaana ay ka doorbideyso dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay.

”Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen, laakiin ma jecla dalkeena,” ayuu  yiri madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar iyo musharrax la loolamaya Joe Biden inay doonayaan inay Mareyanka soo geliyeen qaxooti fara badan.

“In 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden,” ayuu yiri markale Madaxweynaha wadanka Mareykanka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Ilhaan Cumar ay ku eedeysay Trump inuu qeyb ka yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee fashilan, gaar ahaan tan dalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here