Turkiga, Iran iyo Russia oo todobaadkan ku kulmi doona magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga

Hoggaamiyaasha Turkiga, Iran iyo Russia oo Isniinta todobaadkan ku kulmi doona magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa mar kale ka wada-xaajoon doona xaaladda cakiran ee ka taagan waddanka Syria, sida ay shaacisay warbaahinta Turkiga.

Qoraal jimcii shalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay soo xigatay warbaahinta dalkaasi, ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ay shirkooda ku falan-qeyn doonaan xal u helidda colaadda ka aloosan waddanka Syria, gaar ahaanna xaalad banii’aadanimo oo la sheegayo in ay ka jirto waqooyi galbeed magaalada Idlib.

Sidoo kale, kulankaasi saddex-geesoodka ah, waxaa looga hadli doona sidii looga shaqeyn lahaa in kooxaha argagixisadu aysan fursad ka helin, loollanka adag iyo dagaallada raagay ee ka taagan dalka Syria.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaysa in madaxweynaha Russia, Vladimir Putin iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan ay marka shirkaasi dhammaado yeelan doonaan, kulan gaar ah oo uu ka maqanyahay madaxweynaha Iran Hassan Rouhani , kulanka oo looga hadli doono xiriirka Turkiga iyo Russia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here