Turkish-ka oo shaaciyey sababta Al-Shabaab ay u kordhiyeen beegsigooda

Turkish emb somalia29102015 4

Kooxda al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay beegsiga ay ku hayaan injineeradda u dhashay dalka Turkiga ee lagu wareejiyay dhismaha wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Guddoomiyaha hay’adda Turkisha ee Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weeraradada lagu hayo injineeradda Turkiga uu qayb ka yahay beegsada ay Shabaabku ku hayaan hay’adaha iyo shirkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Birol Akgün ayaa sheegay in Shabaabka ay doonayaan in la hakiyo dhismaha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si uusan u fududaanin isku socodka labadda magaalo.

12-kii May 2019, nawaaxiga isgoyska Taleex waxaa qarax lagula beegsaday injineer Turkish ah, iyadoo dhaawac darran oo qaraxaasi uu ka soo gaaray uu markii danbe ugu geeriyooday gudaha isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

18-kii bishan 2019, sidoo kale injineer kale oo Turkish ah oo saarnaa gaari Hilux ah ayaa lagu qarxiyay inta u dhaxeysa jaamacada Shabelle iyo Weydoow.

Birol Akgün ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan marnaba ku guulesan doonin inay Turkish-ka ka hor-istaagaan caawinta iyo gacan siinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here