Villa Somalia oo ka hor-timid go’aankii Golaha Amaanka

villa somalia1

 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay go’aankii Golaha Amaanka QM uu 15-kii bishan November kusii kordhiyey xayiraddii hubka ee muddada saarneyd Soomaaliya.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Maxamed Cali oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka, ayaa cunaqabateynta uu meel-mariyey golaha ammaanka ku qeexay “mid xanibeysa awoodda ay Soomaaliya ku heli karto hub lagama maarmaan u ah in laga adkaado argagixisada.”

“Soomaaliya waxay dhisayaa ciidamo awood leh oo naftood u huraya si ay ula dagaalamaan argagixisada islamarkaana u bad-baadiyaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri.

Cabdi Saciid ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah “saaxiibada Soomaaliya”, isaga oo yiri “Saaxiibada qaarkood waxaa cad inaysan xiiseeneyn inay na taageeraan islamarkaana ay qalabeeyaan ciidamadeena, balse ay abuurayaan caqabado iyo xanibaado, ayaga oo islamarkaana noogu baaqaya inaan wax badan qabanno.”

Waxa uu ammaanay qaar ka mid ah dalalkii ka aamusay codeyntan ee la saftay Soomaaliya, oo uu ku qeexay kuwa doonayey inay garowsadaan inay caqli ahaan qalad tahay  in ciidamada xoogga Soomaaliyeed loo diro dhufeysyada dagaalka ayaga oo aan haysan hub iyo qalab.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sii wadi doontaa inay sameyso wax kasta oo ay ku difaaceyso nafteena iyo ciidankeenna, ha la taageero ama yaan la taageerin.” Ayuu yiri.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad hor leh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa.

15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay ka aamuseen. Cunaqabateynta ayaa socon doonta ilaa Nofembar 15, 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here