Waa halkee meesha ugu dhimashada badan duulimaadyada dunida?

diyaarad burburtay

Duulimaadyada ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin kuwa ugu badqabka wanaagsan markii uu qof safrayo, hasayeeshee iyadoo dalalka qaar aanay sharci dhameystiran lahayn iyo dhul ay adag tahay in lagu dul duulo, ayaa taas waxa ay horseedi kartaa in dad badan ay dhintaan.

Labadii burbur ee ugu dambeeyay ee ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay sare u qaadeen walaaca laga qabo badqabka.

Dhacdadii ugu dambaysay waxa ay aheyd bilowgii bishii Nofeembar, markii ay diyaar ku dul burburtay guryo ku yaal magaalada Goma ee bariga dalkaas, halkaas oo ay ku dhinteen 27 qof.

Hasayeeshee intuu la eg yahay badqab la’aanta duulimaadyada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, sideese loola barbardhigi karaa qeybaha kale ee dunida?

Maxaa ku qoran diiwaanka badqabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo?

Xog laga helay shabakad la socota badqabka duulimaadyada oo la yiraahdo Aviation Safety Network oo la socoto dhaqdhaqaaqa uruurisana wararka ku saabsan badqabka diyaaradaha, ayaa waxa ay muujinaysaa in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ay leedahay shilalka ugu badan ee ay galaan diyaaradaha rakaabka guud ahaan Afrika tan iyo 1945.

Rescue work
Image captionKooxaha samatabixinta oo isku dayay inay gaaraan dadkii ku waxyeeloobay burburkii ugu dambeeyay

Daniel Kwasi Adjekum, oo ka tirsan Jaamacadda North Dakota, ayaa waxa uu sheegayaa in heerka sare ee shilalka ka dhaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo loo tiirin karo ilaa dhowr arrimood oo kala duwan.

Arrimahaas waxaa ka mid ah baaxadda dalkaas oo ballaaran, dhulkoo kala sarreeya iyo shuruucda oo jilicsan.

Safarka lagu diyaaradaha ayaa muhiim ah sababtoo ah kaliya afar ka mid ah 25-ka caasimad goboleed ee dalka ayaa lagu tagi karaa waddooyin la isku halayn karo, markii uu qofku ka baxo magaalada caasimadda ah ee Kinshasa.

Hasayeeshee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo waxaa aad hoos ugu dhacay waxyaabaha asaasiga ah ee garoomada diyaaradaha iyo qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa hawada. Sidoo kale waxaa aad u liita farsamada iyo shuruucda badqabka ee dalka.

Caqabadaha kale waxaa ka mid isticmaalka diyaarado waqtigii ka dhacay ama duqoobayba.

Sidoo kale waxa ay arrimo ka jiraan shaqaalaha duulimaadyada iyo kuwa dayactira diyaaradahaba, kuwaas oo aanan badanaa shaqadooda lala socon sidoo kalana aanay jirin shuruuc degsan oo ay tahay inay raacaan.

Halka qaar ka mid ah shilalkuna ay sababaan cimilo xun, oo ay ka mid tahay roob mahiigaan ah iyo dabeylaha dhaca xilli roobaadka, maadaama Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ay dhacdo aag uu roobku ku badan yahay.

Xagey ka dhacaan shilalka ugu badan dunida?

Mareykanka ayey shilalkii ugu badnaa ee diyaaradeed ay ka dhaceen tan iyo 2010, waxaa ku soo xiga dalalka Ruushka, Canada, Mexico iyo Indonesia. Hasayeeshee Mareykanka ayaa waxa uu leeyahay mid ka mid ah khadadka ganacsi ee ugu mashquulka badan dunida iyo heerka ugu sarreeya ee isticmaalka hawada, taas ayaana waxa ay ka dhigaysaa inay u jilicsanaato halista iyo galdalool ku yimaado badqabka.

Ruushka ayey dadkii ugu badnaa ku dhinteen tan iyo 2010-kii markaas oo ay naftooda waayeen 532 qof, waxaa ku soo xigay Indonesia oo ay ku dhinteen 520 qof.

Labadaasi dal ayaa waxa ay leeyihiin howlgallo ganacsi oo waa weyn iyadoo tirada rakaabka diyaaradaha raacana ay aad sare ugu kacday 10-kii sanadood ee la soo dhaafay. Ruushka ayaa tirada diyaaradaha waxa ay saddex laabmatay tan iyo sanadkii 2009. Indonesia-na waxa ay korortay wax ka badan afar lab.

Nepal ayaa dhanka dadka ay waxyeellada soo gaartay waxa ay kala mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo markii mudadaas la fiiriyo oo 180 ayey dhimashadu tahay, sidoo kalana waxa ay ka siman yihiin dhulka kala korreeya, arrimaha sharciga iyo badqabka, iyo kororka dadka doonaya inay diyaaradaha ku safraan.

Hasayeeshee Nepal saddex jeer ayey ka sarreysaa Jamhuuriyadd Dimuqraadiga ee Koong markii ay timaado duulimaadyada rakaabka, taas oo aad sare ugu kacday sanadihii la soo dhaafay.

Jamhuuriyadd Dimuqraadiga ee Koong ayaa waxaa aad u yar saamiga ay ka hesho duulimaadyada dunida oo waxa uu ka yaryahayb 0.1%. Sikastaba xaalku ha ahaadee waxa ay 4% ka heshay shilalkii caalamka ka dhacay tan iyo 2010, taas oo ka dhigan in uu aad u hooseeya diiwaanka badqabka.

Taasna waxa ay sababtay in ay ka mid noqoto dalalka diyaaradahooda laga mamnuucay ama xadidaad ay ku soo rogeen Midowga Yurub. Hasayeeshee dalkaas oo kaliya ma ahan dalalka Afrika liiska kaga jira.

A plane in DR Congo which overshot the runway
Koongo: Diyaarad ka baxday dhabbihii ay ka duuli laheyd oo 2015 khasaare uu ka dhashay

Koongo waxa ay ka mid tahay 13 dal oo Afrikaan ah, iyo kuwa kale oo Aasiya iyo Laatiin Ameerika ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sanadkii ugu xumaa ee ay shilal ka dhacaan waxa uu ahaa 2007, markaas oo sanadkaas ay burbureen sideed diyaaradood.

Hasayeeshee shilkii ay dadkii ugu badnaa ku dhinteen ee dalkaas ka dhaca waxa uu ahaa midkii 1996, markii diyaaradda Antonov ay ka dhexbaxday dhabbaha diyaaradaha ee Kinshasa oo ay dhexgashay suuq halkaas oo ay naftoodii ku waayeen 237 qof.

Maxaa dib loogu dhigay shaciinta natiijada doorashada Koongo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here