Waa kee waddanka ugu waxbarasho fiican caalamka?

arday china

Jawaabta saxda ah ee su’aashaas in la helo way adagtahay, laakiin waxaa tusaale aad u fiican laga heli karaa barnaamijka tijaabada ardayda ee caalamiga ah, oo magaciisa afka ingiriiska loo soo gaabiyo (Pisa).

Waa barnaamij tijaabooyin taxane ah looga qaado ardayda, iyagoo lagu imtixaanayo heerka ay waxbarashadooda gaarsiisan tahay.

Tan iyo markii howshan la billaabay oo ahayd sanadkii 2000, waxaa saddexdii sano ee kastaba la siinayay arday ay da’doodu tahay 15 sano.

Maalintii talaadada ahayd waxaa la soo saaray natiijada tijaabadii la sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii, waxayna muujisay in ardayda waddanka Shiinaha ay ugu sarreeyaan kuwa caalamka oo dhan.

Maadooyinka ay sida aadka ah ugu horreeyeen waxaa ka mid ah xisaabta iyo seyniska.

Tiro taariikhi ah

Markii ugu horreysay waddamo aad u badan oo gaaraya 79 dal ayaa ka qeyb qaatay tijaabada imtixaanka Pisa.

Waxaa ardaydii u fariisatay lagu qiyaasay ilaa 600,000.

Hay’adda maalgalisa barnaamijkan, oo lagu magacaabo OECD waxay ka kooban tahay 37 waddan, oo ah kuwa sida weyn horumarka u sameeyay, waxaana ka mid ah Mareykanka, Japan iyo dalalka Midowga Yurub.

Waa arday uu burburkii Soomaaliya ka xannibay hankiisi waxbarasho

Laakiin dowlado marba marka ka dambeysa sii badanaya ayaa doonaya inay arkaan heerka ay ardaydooda ka gaarsiisan yihiin waxbarashada, marka loo eego kuwa kale ee caalamka.

Imtixaankan ayaa waddamada u kala sarreysiiya natiijada ay celcelis ahaan u helaan waddan kasta ardaydiisa, waxayna saameyn ballaaran ku yeeshaan isbarbardhigga heerka waxbarashada ee dalalka adduunka.

Chart showing Pisa test results in reading

Ardayda ayaa imtixaanka lagu soo hordhigaa su’aalo ku saleysan nolosha dhabta ah, kuwaasoo la eego sida ay uga shaqeeyaan iyagoo adeegsanaya aqoontooda waxbarasho.

Waxyaabaha la weydiiyo waxaa ka mid ah sida ay u qaadanayaan go’aannada la xiriira dhinaca maaliyadda iyo kuwa macluumaadka.

Tusaale ahaan, sanadkii 2018-kii, mid ka mid ah su’aalihii lagu tijaabinayay cilmiga wax akhrinta ee ardayda waxay ahayd mid ku saleysan sheeko la diyaariyay oo la xiriirta dhinaca internet-ka, taasoo nin digaag leh uu doonayay inuu ogaado inay sax tahay in mid ka mid ah digaaggiisa uu siiyo kaniiniga loo yaqaanno aspirin-ka.

Waddamada Aasiya ee kaalimaha hore wada buuxiyay

Dalka Shiinaha ayaa kaalinta ugu sarreysay galay saddex ka mid ah imtixaannadii la galay afartii sano ee ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiinta waddankaas ayaa adeegsaday natiijada ardaydii magaalada Shanghai oo kaliya, sanadihii 2009-kii iyo 2012-kii – halka sanadihii 2015-kii iyo 2018-kii ay xisaabiyeen ardayda kasoo kala jeedday afar gobol oo kaliya.

“Goobahan, ardayda ku wanaagsan dhinaca isdhexgalka bulshada ayaa ka natiijo fiicnaa kuwa kale, marka ay noqoto xirfadda wax akhrinta., sida uu bayaan ku sheegay Andreas Schleicher, oo ah agaasimaha OECD ee Shiinaha.

Ardayda Finland ayaa kaalinta koowaad galay saddexdii sano ee ugu horreysay barnaamijka, oo kala ahaa (2000, 2003 and 2006), halka Singapore ay qabsatay sanadkii 2015-kii.

.
Estonia ayaa ahayd waddanka ugu sarreeya marka laga soo tago dalalka qaaradda Aasiya

Ardayda kasoo jeedda waddamada qaaradda Aasiya ayaa kaalimaha ugu sarreeya uga jiray dhammaan maaddooyinka lagau galayay imtixaankii ugu dambeeyay.

Hase yeeshee Estonia ayaa noqday waddanka kaliya ee aan Aasiya ku oollin, ee kaalimaha hore ay ardaydiisu galeen.

Sida guud, gabdhaha ayaa dhinaca akhriska “si aad ah” uga fiicnaa wiilasha, waxayna sidoo kale uga sarreeyeen maaddooyinka Seyniska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here