Waa kuma Amiirka Dubai xukuma ee lagu eedeeyay inuu gabdhihiisa afduubtay?

Sh M bin Rashid Al Maktoum dubai

Sheekh Maxamed bin Rashid Al Maktoum waa bilyaneer 70 jir ah oo xukuma Dubai, waana madaxweyne ku xigeenka waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Gobolka Bariga dhexe wuxuu kasoo caan baxay kaddib markii uu hormuud u noqday isbaddalkii dhinaca dhaqaalaha ee Imaaraadka, uuna goob joog u ahaa kobaca ganacsiga iyo dalxiiska.

Meelo kalena dabcan waxaa magaciisa looga yaqannaa tartamada fardaha, maadaama uu leeyahay kooxda tarmada noocaas ah ku xeel dheer ee lagu magacaabo (Godolphin).

Hadda wuxuu mar kale hadal heynta warbaahinta caalamka qabsaday kaddib markii ay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay magaalada London ku heshay dambi ah inuu afduubtay labo gabdhood oo uu isagu dhalay, uuna si khasab ah ugu celiyay magaalada Dubai, sidoo kalena uu handadaado badan u jeediyay xaaskiisii hore, Princess Haya bint Xuseyn.

Sheekh Maxamed wuxuu sanadkii 1949-kii ku dhashay guriga qoyskiisa oo ku yaalla xaafadda Shindagha, oo u dhow biyo-mareenka Dubai.

Wuxuuahaa cuniggii saddexaad ee afar wiil oo uu dhalay Sheekh Rashid Al Maktoum.

Aabihiis wuxuu Dubai xukumayay muddo 32 sano ah oo kasoo billaabatay sanadkii 1958-kii.

Kaddib markii uu dhammeeyay dugsiga sare, sanadkii 1965-kii, Sheekh Maxamed wuxuu tagay UK si uu luuqadda Ingiriiska uga barto iskuul ku yaalla Cambridge.

Wuxuu markii dambe qaatay lix bilood oo tababar ciidan ah.

Sanadkii 1968-kii, markii uu kusoo laabtay Dubai, Sheekh Maxamed wuxuu aabihiis ku wehliyay shir uu la yeeshay amiirkii xukumayay Abu Dhabi, Sheikh Zayed Al Nahyan, halkaasoo ay ku gaareen heshiis federaal ah oo maamulladooda la isugu xiriirinayo.

Kaddib markii uu Isu Tagga Imaaraadka Carabta xorriyaddiisa ka qaatay UK sanadkii 1971-kii, Sheekh Maxamed waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga – xilkaas oo uu ilaa hadda sidii u hayo.

Skyscrapers and cranes in Dubai (December 2018)
Boqollaal dabaq oo dhaadheer ayaa hadda ku yaalla Dubai

Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaatay qorshihii aabihiis uu ku hormariyay wax soo saarka saliidda iyo xoojinta dhaqaalaha, kaasoo Dubai ka dhigay meel xuddun u ah ganacsiga adduunka, ayna kusoo hirtaan dalxiiseyaasha.

Maanta, in ka badan 95% ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda Imaaraadka Carabta waa mid ka madax bannaan ganacsiga saliidda, dalxiiska oo kaliya ayaana ah 20%.

Dadka ku nool Dubai ayaa sidoo kale kordhay. Sanadkii 1960-kii dadweynaha Dubai waxay ahaayeen qiyaastii 40,000 oo ruux, halka ay hadda ka yihiin ilaa 3.3 malyan oo qof, kuwaasoo ku dhawaad 3.1 malyan oo ka mid ah aysan u dhalanin Imaaraadka.

Badankood dadkan waxay daggan yihiin boqollaalka dabaq ee dhaadheer ee ku yaalla magaalada Dubai.

Sanadkii 1990-kii, Sheekh Rashid ayaa geeriyooday kaddib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Waxaa xilka la wareegay Maxamed walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabi jiray Maktoum.

Shan sano kaddib, Sheekh Maktoum wuxuu walaalkiis Maxamed u magacaabay dhaxal sugaha xukunka boqortooyada ee Dubai. Wuxuu sidoo kale u dhiibay maamulka maalinlaha ah ee Imaaraadka.

Sheikh Maktoum bin Rashid Al Maktoum (left) and Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum (centre)
Sheekh Maxamed wuxuu xilka kala wareegay walaalkiis ka weyn Sheekh Maktoum (bidix) sanadkii 2006-dii 2006-dii

Sheekh Maxamed wuxuu maamulaha Dubai iyo madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka noqday sanadkii 2006-dii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkiis oo 62 jir ahaa, xilli uu booqasho ku joogay waddanka Australia.

Intii uu xukunka hayay, horumarkii Dubai ayaa sii xoogeystay.

Sanadkii 2008-dii, Imaaraadka wuxuu shaaca ka qaaday dhismaha dabaqa ugu dheer caalamka, oo lagu magacaabo Burj Khalifa; kaasoo ah suuq laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Dubai.

Mashaariicda noocaas ah waxaa lagu hirgaliyay lacago deymo ah oo gaaraya balaayiin doolar.

Xasaradihii dhinaca dhaqaalaha ee caalamka ka dhacay sanadkii 2009-kii ayaa burburiyay kobaca dhaqaalaha Dubai iyo dhismaha guryaha, waxaana albaabada la isugu wada dhuftay dhammaan hay’adihii dowladda, maadaama ay iska bixin waayeen deymihii lagu lahaa.

Hase yeeshee waxaa xaaladda soo fara galisay Boqortooyada Abu Dhabi, waxayna Dubai deymisay dhammaan lacagihii ay u baahneyd.

Dhismaha Dubai wuxuu sidoo kale ku tiirsanaa shaqaalaha qaxootiga ah ee lacagta yar ku shaqeeya, kuwaasoo cabasho badan muujin jiray.

.
Sheekh Maxamed wuxuu abuuray kooxda tartanka fardaha ee ugu weyn caalamka, oo lagu magacaabo Godolphin

Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale aad ugu soo caan baxay ka qeyb qaadashada tartanka fardaha, waxaana lagu amaanaa inuu ka dhigay il dhaqaale oo caalami ah.

Markii uu yaraa ayuu fardo ku wadi jiray xeebta magaalada Dubai, fagaareyaashana waxaa la keenay sanadkii 1967-kii, xilligaasoo uu ku sugnaa UK.

Toban sano kaddib, wuxuu ku istareexayay guushiisii ugu horreysay ee u soo hoyatay kooxda uu abuurtay.

Sheekha wuxuu dhisay kooxda ugu weyn adduunka ee ka qeyb gasha tartamada fardaha, taasoo lagu magacaabo Godolphin.

Wuxuu si joogto ah u tagaa tartamada waaweyn ee fardaha, sida Royal Ascot, halkaasoo mar la isla sawiray isaga iyo boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.

Princess Haya Bint Al-Hussein and Dubai ruler Sheikh Mohammed Al-Maktoum at Royal Ascot (17 June 2010)
Princess Haya and Sheikh Mohammed frequently attended Royal Ascot

Sheekh Maxamed wuxuu jacaylkiisa fardaha la wadaagay xaaskiisa lixaad, Princess Haya bint al-Xuseyn, oo ah gabadha uu dhalay boqorkii geeriyooday ee dalka Urdun, islamarkaana ah Boqor Cabdalla walaashiis.

Lamaanaha waxay is waxay magaalada Camaan ee waddanka Urdun isku guursadeed sanadkii 2004-tii, waxayna isu dhaleen labo carruur ah oo la kala yiraahdo Al Jalila iyo Zayed.

Balse xiriirkooda qoys ahaaneed oo markii hore aad u wacnaa wuxuu mugdi soo galay sanadkii 2018-kii, markaasoo ay Sheikha Latifa, oo ah gabar ay xaas kale u dhashay Sheekh Maxamed isku dayday inay ka baxsato imaaraadka, iyadoo garab ka heleysa jaajuus Faransiis ah iyo macallin dhinaca jimicsiga ah oo u dhashay Finland..

Doon ay saarnaayeen ayaa lagu qabtay meel u dhow xeebta Hindiya, dib ayaana loogu celiyay Dubai. Muuqaal ay iska duubtay inta aan gacanta lagu dhigin ayey ku sheegtay inay xabsi ku jirtay muddo saddex sano ka badan, loona geystay tacaddiyo dhinaca jirka ah, kaddib markii ay ku guul darreysatay isku day baxsasho ah oo ay sameysay sanadkii 2002-dii.

.
Sheekha Latifa oo ah Amiiradda Dubai ayaa la la’aa muddo 2 bilood ah

Dadka u dooda Sheekha Latifa ayaa sheegay in lagu hayay xabsi guri. Laakiin Dowladda Dubai ayaa ku adkeysatay in Sheekha Latifa ay kahar ugu jirtay in la waxyeelleeyo, laakiin markii dmabe amnigeeda dib loo sugay.

Princess Haya waxay iska aqbashay bayaankii xilligaas kasoo baxay dowladda. Laakiin bishii April, 2019-kii, kaddib markii ay Dubai ka baxsatay, iyadoo Jarmalka kaddib UK usii gudubtay, carruurteedana ay la socdeen, waxaa soo baxay warar sheegaya inay heshay xog cusub oo ku saabsan Sheekha Latifa.

Sheekh Maxamed kama uusan hadli burburka ku yimid guurkiisa, balse wuxuu qoray gabay caro ka muuqato oo uu ku waday haweeney uusan magacaabin, taasoo uu ku tilmaamay “Mid khiyaano sameysay”.

Wuxuu gabagiisa ku shaaciyay bartiisa Instagram-ka.

Bishii July ee sanadkii hore, Princess Haya waxay maxkamad UK ku taalla ka dalbatay in si khasab ah looga furo seygeeda, Ilmahana loogu sharciyeeyo inay iyada kaliya la noolaadaan.

Dhanka kalena, Sheekh Maxamed ayaa maxkamad ku taalla Dubai ka diiwaan galisay dacwad uu ku doonayo in carruurta dib loogu soo celiyo.

.
Princess Haya waxay amxkamad ku taalla UK ka dalbatay in carruurteeda loo sharciyeeyo inay iyada la noolaadaan

Siddeed bilood kaddib, maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay London waxay soo saartay xukunno isdaba joog ah oo xaqiiqo raadin ah.

Waxay maxkamaddu ugu dambeyn soo saartay hadal ay ku sheegtay in Sheekh Maxamed uu gabadhiisa Latifa labo jeer si khasab ah ugu celiyay Dubai, sanadihii 2002-dii iyo 2018-kii, sidoo kalena uu afduub aan sharciga waafqsaneyn u geystay walaasheed Sheekha Shamsa, sanadkii 2000.

Sheekha Shamsa waxay sanadkii 2000 ka baxsatay guri ay qoyskeeda ku leeyihiin UK laakiin waxaa magaalada Cambridgeshire durba qabtay wakiillo ay soo dirsatay Dowladda Dubai.

Codsi ay booliska Cambridgeshire ku dalbadeen inay tagaan Dubai, si ay baaritaan usoo sameeyaan, ayaa lagu gacan seyray.

Makxmadda London ayaa sheegtay in Sheekh Maxamed uu wali wado fal uu labada gabdhood uga hor taagan yahay xorriyaddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here