Waa tuma gabadha saaxiibka la ah Ra’iisal Wasaare Boris Johnson?

carrie symonds and boris johnson

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Boris Johnson, ma ahan qofka kaliya ee saxaafaddu ay danaynaysay markii uu jeedinayey khudbaddii uu xilka kula wareegayey, balse Carrie Symonds ayaa ah qofka kale ee aadka ay saxaafaddu isha ugu haysyay.

Symonds oo ah 31 jir ayaa saaxiib la ah Ra’iisal Wasaare Boris Johnson oo 55 jir ah, waana tan keentay in saxaafaddu ay isha ku hayso

Waa tuma Carrie Symonds?

Carrie Symonds waa gabadh uu dhalay mid ka mid ah aas aaseyaasha wargeyska The Independent.

Kaddib markii ay dhammaysatay jaamacadda Warwick oo ay ka dhigatay taariikhda iyo masraxiyadda waxay la shaqo bilowday xisbiga Conservative-ka oo ay saxaafadda u qaabilsanayd.

Sannadkii 2012-kii waxay ka mid ahayd koox u ololaynaysay Boris Johnson in mar kale loo doortay duqa magaalada London.

Kaddib markii ay la taliye u soo noqotay labo ka mid ah wasiiradda Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Sajid Javed oo markaas wasiirka daakhiliga ahaa, ayay waxay noqotay gabadhii ugu da’da yarayd ee dhanka saxaafadda u qaabilsan xisbiga Conservative-ka.

Muddo yar kaddib markii ay soo shaac baxday in ay xidhiidh la leedahay Boris Johnson, waxay isaga tagtay shaqadeedii, oo waxay la taliye sare ka noqotay hay’ad samafalka ka shaqaysa, oo ka shaqaysa xuquuqda xayawaanka iyo deegaanka.

Barteeda ay Twitter-ka ku leedahay ayay inta badan uga hadashaa macluumaad ku saabsan dikhoowga cimilada.

Mrs Symonds ayaa sidoo kale u dhaqdhaqaaqda ka hortagga gudniinka gabdhaha.

Ma cadda markii ay isbarteen Mr Johnson iyo Symonds balse xidhiidhkooda ayaa la xaqiijiyey kadib markii ay kala tageen xaaskiisii Marina Wheeler oo ay 25 sano is qabeen afar carruur ahna ay isu dhaleen.

Ma cadda nooca uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya Mr Johnson iyo Mrs Symonds, bishii la soo dhaafayna muran dhexdooda ah ayaa gaaray booliiska dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here