Wabiga Shabeelle oo Fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga Degmada Balcad

fatahaad Sh dhexe balcad

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay Fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Fatahaadda ayaa saameysay dhul beereed gaara ilaa 12,000 oo Hectar,waxaana sidoo kale barakac ku dhow dadka beerahaasi lahaa.

Tuulooyinka ay  saameeysay fatahaadda waxaa ka mid ah Xawadleey, jameeco misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame oo dhamaantood hoostaga Degmada Balcad.

Maamulka degmada ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ka qeybqaataan wax u qabashada dadka Beeraleyda ah ee degaannadaas ku nool.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaadda ugu weyn ilaa hadda ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Halkaas waxaa lagu sheegay in ay ku barakaceen 270,000 oo qof oo ku noolaa Beledweyn iyo degaannada hoostaga.

Gurmadka Beledweyne ayaa billowday iyada oo degaanno kale oo ka mid ah Gobollada Jubooyinka, Gedi iyo Baay ay fatahaado ka dhashay daadadka ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here