Home Blog Page 633

Guddiga doorashooyinka ee mucaaradka Jubaland oo soo saaray habraac doorasho

calanka jubbaland

Guddigii doorashooyinka Jubbaland ee ay ku dhawaaqeen musharaxiintii kasoo horjeystay guddiga doorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa soo saaray nadaamka ay doonayaan inay u dhacdo doorashada maamulka Jubbaland.

Guddigaan oo ah kii labaad ee loo xilsaaro ka shaqeynta habka ay u dhaceyso doorashada Jubbaland, si wada jirana ay ugu dhawaaqeen  inta badan musharaxiinta u taagan hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland, ayaa maanta soo saaray hanaanka loo marayo doorashada maamulka.

Afhayeen u hadlayey guddigaas ayaa sheegay inay doonayo in loo wada sinaado ka qeyb qaadashada doorashada si loo dhowro kal soonida dad weynaha.

Iyadoo la ticgalinayo duruufaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Jubbaland ayuu sheegay guddiga cusub inaysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici Karin deegaanada maamulka jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada dhici doonta ay gar wadeen ka noqonayaan Odayaasha dhaqanka, iydoo loo madax banaynayo inay soo xushaan xildhibaanka ay u arkaan inuu ku matali karo Baarlamaanka cusub ee laga soo dooranayo deegaanada maamulka Jubbaland.

Ciid Mubaarak dhamaan Muslimiinta meelkasta oo ay joogaanba

ciidwanaag

Bahda shabakadda xaysimo.com waxay dhamaan umadda muslimiinta ah ugu hambalyeynaysaa ciida adxada ee 2019, waxayna ilaahay uga baryayaan inay sanadkan sanadkiisa barwaaqo iyo bashbash ku gaaraan.

AAMIIN.

Dad badan oo ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Tanzania

map tanzania

60 qof ayaa geeriyootay halka 70 kalena ay dhaawacyo culus gaareen kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo.

Magaala xeebeedka uu booyada dabka ku qabsdaay ayaa waxa ay ka tirsan tahay gobolka bartamaha ee waddanka Tanzania, waxa ayna qiyaastii 3 saacadood u jirtaa caasimadda maamulka dowladda ee Dodoma.

Taliyaha booliska gobolka Morogoro, Wilbroad Mutafungwa oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay goobta ka qaadeen meydadka 57 ruux.

Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dhulka yaalla.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, oo rogmaday, ka dibna uu qarxay.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday dhacdadan oo BBC-da la hadlay ayaa yiri: “Aad baan u yaabay markii aan maqlay qarax culus. ka dib waxaa jiray dhaqdhaqaaq, dadku waxay billaabeen inay dhinac walba u cararaan. aniga dhulka ayaan ku dhacay, waad u jeeddaa garaafada ku taalla jilbaheyga. waxaan arkay dad shidaalka u dhaansanaya sida biyaha”.

Gobolka Morogoro ayaa qiyaastii 200 km u jira magaalo xeebeedka ku taalla galbeedka dalkaa ee Dar es Salaam.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sare u sii kacdo.

“Xaaladdu runtii aad bay u xuntahay. dad badan ayaa dhintay, halkan xitaa dadkii aan boobka sameyneynin ayaa dhintay, sababtoo ah meeshan aad bay mashquul u tahay”, sidaas waxaa yiri goob jooge lagu magacaabo Daniel Ngogo, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wariyeyaasha ku sugan halkaas ayaa sheegaya in musiibooyinka noocan ah ay ku badan yihiin qaaradda Afrika, iyadoo dadkuna ay khatar weyn ugu bareeraan inay shidaalka ka qaataan booyadaha qallibmay.

Bishii lasoo dhaafay, ugu yaraan 45 ruux ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Benue ee waqooyiga dalka Nigeria.

Qarax ka dhacay caasimadda dalka Denmark

qarax copenhagen

Qarax ayaa ka dhacay saldhig ay booliska leeyihiin oo ku yaalla magaalada Copenhagen ee caasimadda u ah dalka Denmark.

Waa markii labaad oo qarax uu ka dhaco Copenhagen isbuucan gudihiisa.

Dhismaha ayaa burburay balse ma jirin cid wax ku noqotay qaraxa aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah ka dhacay bannaanka hore ee faras magaalada.

Maalintii Talaadada ahayd ayuu qarax aad u xooggan ka dhacay dibadda xarunta canshuuraha qaranka, mas’uuliyiintuna waxay ku tilmaameen weerar ku talagal u dhacay.

Wali ma cadda in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.

Booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan nin la arkay isagoo ka cararaya saldhigga maanta la qarxiyay.

Ninkaas ayaa lagu soo warramay inuu xirnaa dhar madow iyo kabo cad cad.

“Tani ama ahayn dhacdo caadi ah, waxay ahayd arrin ku talagal loo sameeyay”, sidaas waxaa yiri taliyaha booliska Jorgen Bergen Skov, isagoo intaas ku daray in wali ay baaritaanno socdaan.

Sarkaalka ayaa dhanka kale sheegay in ilaa hadda aan falkaas lagu tilmaami karin weerar argagixiso.

“Kuwani waxay ahaayeen weerarro lagu bartilmaameedsanayay dhismeyaal, lagumana beegsaneynin dad, laakiin wali lagama hor dhici karo sababta ka dambeysa”, ayuu yiri.

Hal ruux ayuu dhaawac fudud kasoo gaarayqaraxii dhacay maalintii talaalada ee lagu beegsaday xarunta canshuuraha qaranka.

Weerarkaas oo dhacay galinkii dambe ayaa burbur u geystay daaqadaha dhismaha xarunta.

DF oo shaacisay in ay tallaabo ka qaadeyso shirkado dayacay xujeyda

xujey

Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina.

Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.

Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood.

Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 shirkadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan.

Madaxweyne Xaaf oo ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug

xaaf galmudug madaxweyne

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug, islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayey sida uu hadalka u dhigay lugaha lagu dhigay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan.

“Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Maalmihii ugu danbeey waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo la filayo in dhowaan ay doorasho ka dhacdo.

Khilaaf muddo dheer soo taagnaa kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyeyna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daawo Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Ciyaaraha Banaadir ugu magac daray Inj. Yariisow

farmaajo 982019

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo, ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqay, in garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.

Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay guddoomiye Yariisow, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecan doonin dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan.

Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

DF Somalia: Lama aqoonsan doono natiijada kasoo baxda doorashada Jubbaland

Sabriye

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa go’aan xasaasi ah ka soo saartay doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weli ay jirto cabasho ka imaaneyso beelaha Jubbaland iyo musharraxiintooda, loona baahan yahay in xal rasmi ah laga gaaro tabashooyinkaasi, ka hor inta aan doorashada la qaban.

Sidoo kale wasaaradda ayaa saddex qodob hor dhigtay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo kala ah:

1 In liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diiwaanka dhaqanka ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

2 In marka hore la dhameystiro soo xulida xubnaha golaha wakiilada baarlamaanka Jubbaland, kadibna baarlamaanka cusbi iska dhex doorto guddiga doorashooyinka guddoonka golaha wakiilada iyo madaxweynaha Jubbaland.

3 In doorashadu ay ku dhacdo hanaan daah-furan  oo xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in aysan aqoonsan doonin doorasho baalmarsan qodobadaasi.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday reer Jubbaland midnimo, horumar iyo in laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada.

Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan, iyadoo weli ay caqabado ka taagan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

DF oo si rasmi u shaacisay natiijada baaritaanka qaraxii xarunta gobolka (Aqriso)

xarunta gobolka banaadir

Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada baaritaan horudhac ah oo lagu sameeyey qaraxii 24-kii July 2019 ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed ay wasaaradda soo saartay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo ay fulisay gabar ka shaqeyneysa xarunta islamarkaana aragga la’eed.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in gabadhaas aragga la’eed, ay caawisay gabar kale, oo baxsatay, taasi oo Iyana ahayd kaaliyaha gabadha aragga la’, sidoo kale shaqaale ka ahayd xarunta.

Wasaaradda ma shaacin magaca gabadha aragga la’ ee is-qarxisay, hase yeeshee Caasimada Online ayaa rumeysan in lagu magacaabo oo ay xarunta uga shaqeeneysay Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee waalidkeed u yaqaanaan Maryama Cabdi Maxamed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in labada gabdhood ee qaraxa fuliyey ay waqti isku dhow oo bil gudaheed ah shaqada ka qaateen fasax, islamarkaana tageen xarumaha kooxaha argagixisada.

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada gabdhood aan loo baarin sidii uu ahaa nidaamka baarista xarunta gobolka.

Wasaaradda amniga ayaa shaacisay in dhowr qof loo xiray qaraxan.

Sucuudiga oo shaacisay tirada Xajka timid 25-kii sanadood ee u dambeeyey

xajka

Wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo ammuuraha xajka Ee Waddanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ilaa shalay ay goobaha barakaysan ee acmaasha xajku ka dhacayso ay soo gaadheen dad ka badan 2 Milyan oo xaaji oo isaga kala yimid daafah adunida.

Mamaamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama waxa ay sheegeen in ilaa imika ay soo gaadheen dad ka badan 1.775,000 oo qof, kuwaasi oo ah xujaaj ka kala timid daafaha dunida waxaanay sheegeen ugu yaraan hal Milyan iyo 700 oo qof in ay dhinaca cirka ka soo galeen boqortooyada sucuudiga, halka 17 kun oo Xaaji ay ka soo galeen dhinaca badda sidoo kalena dad ka badan 93-kun oo qof ay iyaguna dhulka soo mareen.

25-kii sano ee ugu dambeeyey dadka xajka soo gadhay waxa ay dawladda sucuudigu ku sheegtay in ka badan 54.465.253 iyada oo 10-kii sano ee ugu dambeeyey Xujaajta soo gaadhay Sucuudiga ay tiradooda ku sheegeen 23.796.977 oo Xaaji.

Berri oo Khamiis ah, Jimcaha Iyo Sabtida ayay Xujaajtu gudan doonaan saddex maalmood ee ugu badan Acmaasha Xajka waxaana la filayaa in Xujaajtu Sabtida is taagaan buurta Jabal Carafa oo ah rukniga ugu weyn Arkaanta Xajka. Dad badan oo Soomaali ah ayaa sannadkan sidii horeba waxa ay gudanayaan acmaasha Xajka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY