DF Somalia: Lama aqoonsan doono natiijada kasoo baxda doorashada Jubbaland

Sabriye

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa go’aan xasaasi ah ka soo saartay doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weli ay jirto cabasho ka imaaneyso beelaha Jubbaland iyo musharraxiintooda, loona baahan yahay in xal rasmi ah laga gaaro tabashooyinkaasi, ka hor inta aan doorashada la qaban.

Sidoo kale wasaaradda ayaa saddex qodob hor dhigtay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo kala ah:

1 In liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diiwaanka dhaqanka ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

2 In marka hore la dhameystiro soo xulida xubnaha golaha wakiilada baarlamaanka Jubbaland, kadibna baarlamaanka cusbi iska dhex doorto guddiga doorashooyinka guddoonka golaha wakiilada iyo madaxweynaha Jubbaland.

3 In doorashadu ay ku dhacdo hanaan daah-furan  oo xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in aysan aqoonsan doonin doorasho baalmarsan qodobadaasi.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday reer Jubbaland midnimo, horumar iyo in laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada.

Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan, iyadoo weli ay caqabado ka taagan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here