Home Blog Page 644

Iiraan oo marinka Hormuz ku qabsatay laba markab oo ay UK leedahay

Stena Impero

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt, ayaa sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” qabsashada Iiraan ee labada markab.

Stena Impero ayaa ku safrayay calanka Britain halka Mesdar uu ku safrayay calanka Liberia balse waxaa laga leeyahay Britain.

Milkiilayaasha markabka Stena Impero kaas oo ay damiin ka tahay Sucuudi Carabiya, ayaa sheegay in aanay u suuragelin inay markabka la xiriiraan haatanna “uu ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan”.

Waxa ay sheegeen in 23 qof ay markabka saarnaayeen ay marinka Hormuz ku soo hujuumeen “koox aanan la garanayn oo doonyo watay diyaar qumaati u kacdana ay wehlinaysay”.

Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa “si degdeg ah” wararkaasi u eegaya.

Guddiga degdega ah ee dowladda ayaa waxa uu ku shirayaa Whitehall si uu arrinta u falanqeeyo.

Bar internet-ka oo la socota dhaqdhaqaaqa badda ayaa sidoo kale waxa uu ku warramayaa in markab kale oo nooca saliidda qaada ah oo xiriir la leh UK uu u weecday dhinacaas iyo Iiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay ka warqabto wararka sheegaya in markab labaad oo lagu magacaabo MV Mesdar oo ku safrayay calanka dalka Liberia balse Britain laga leeyahay.

Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad sare oo u dhaxaysa UK iyo Iiraan.

Stena Impero
Markabka Stena Impero

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xigatay Hay’adda Dekedaha iyo Badda ee Iiraan ayaa sheegay: “Waxaa ina soo gaaray warar sheegaya in markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo lagu magacaabo Stena Impero uu dhibaato sababayo.

“Waxaannu ciidammada miltariga waydiisannay in markabkan ay geeyaan dekadda Bandar Abbas si halkaas loogu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay.”

Wakaallada wararka ee u janjeerta Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegtay in markabka loo qabtay saddex shuruuc oo uu jabiyay awadeed: waxa ay damiyeen khadka GPS ee lagu ogaado hadba meesha uu markabka marayo, waxa uu marayay meesha looga baxo marinka Hormuz halkii uu mari lahaa barta laga soo galo iyo in markabku uu iska dhegatiray digniino loo jeediyay

Maxay Iiraan u dhimi kartaa cunaqabateynta Mareykanka?

Stena Bulk, oo ah milkiilaha markabka, iyo maareeyaha shirkadda maamusha maraakiibta ee Northern Marine Management ayaa waxa ay xaqiijiyeen in markabka UK ka diiwaangashan ee Stena Impero la soo hujuumay galabkii Jimcaha mar uu marayay biyaha caalamiga ah.

Bayaan ayaa lagu sheegay: “Nooma aanay suuragelin inaan markabka la xiriirno kaas oo haatan ku sii socda dhinaca waqooyi ee Iiraan.

“Ilaa iyo haatan ma ay jirto wax dhaawacyo ah oo la soo tabiyay, badqabka shaqaalahana waa walaaca ugu weyn ee ay qabaan milkiilayaasha iyo maamulayaashuba.”

Xafiiska arrimaha dibadda bayaan ka soo baxay ayaa lagu sheegay: “Waxaannu raadinaynaa xog dheeraad ah sidoo kalana waxaannu qiimaynaynaa xaaladda kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inay wax ka dhaceen Gacanka.”

File photo showing Iranian Revolutionary Guards naval vessels during a ceremony near Bandar Abbas on 2 July 2012
Ciidammada badda ee Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ee loo xilsaaray inay gaaf wareegaan marinka Hormuz

Xiisadaha u dhaxeeya UK iyo Iiraan ayaa cirka isku shareeray bilowgii bishan markii ciidammada badda ee UK ay qabsadeen markab nooca shidaalka qaada ah oo Iiraan ay leedahay oo looga shakiyay inuu jabinayay cunaqabatayn uu Midowga Yurub soo rogay.

UK ayaa waxa ay ka shakisay markabka Grace 1 oo waxa ay 4-tii bishan July ku qabatay meel u dhaw Gibraltar, kaas oo saliid u siday waddanka Suuriya.

Iyadoo arrintaas ka jawaabaysa Iiraan waxa ay ku hanjabtay in ay qabsan doono markab shidaal oo Britain ay leedahay.

9-kii July, UK ayaa sare u qaadday halista ku iman karta maraakiibta UK ee marta biyaha Iiraan ee Gacanka, oo waxa ay gaarsiisay heerkii ugu sarraysay.

Maalin kaddib, doonyaha Iiraan ayaa isku dayay inay hakiyaan markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo gobolka ku sugan, ka hor inta aanay ciidammada badda ee UK u digin markabka, sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga.

Iiraan waxa ay gaashaanka u daruurtay inay isku dayday inay markaas qabsato.

map

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu UK la hadli doono kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Iiraan ay qabsatay markab ka diiwaangashan waddanka UK.

Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo muddo ka badan todobaad ay UK lagu “bartilmaameedsaday qulqulato wax sii horunaysa” oo ay Iiraan dabada ka riixayso.

Puntland oo qaadacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland

puntland logo

Dowladda Puntland ayaa qaadacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan dastuurka KMG ee Soomaaliya islamarkaana magacaabista guddigaasi ay si cad uga hor imaanayso dastuurka.

“Puntland waxay cadanaysaa in hannaanka loo maray magacaabista matalayaasha aysan waafaqsanayd dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo uu dhigatan Sidatan: Mar ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseea dawlad-goboleedyada, xukuumada Federaalka ergada wada-xaajoodka gelaysa waxaaa kaabaya wakiilo ka socda dowladha xubinta ka ah daowldda federaalka”

“Dowladda Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay si gaar ah u taabanays dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland“

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegayn in dowladda Puntland ay beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaliya u cadaynaysa in guddiga la magacaabay ay caddeyn u tahay in aan la rabin xal iyo wadhadal dhab ah. sidoo kale wixii ka yimaada magacaabista guddigaas ay masuuul ka noqnaysa Dowladda Federaalka.

Guddigan oo uu magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ay waxaa sidoo kale ka horyimid maamulka Somaliland.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka:

Reer Khaatumo (Gobolada SSC) waa isugu mid Somaliland, Puntland iyo Dawladda Somalia/Qore Khaalid

muuse deni farmaajo iyo kheyre

Mudo dheer oo wadashaqayn iyo isjacayl ka dhexeeyey Dawladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland ayaa u muuqata inay dhamaatay oo xidhiidhkoodu sii xumaanayo, kadib markii la waayey meel xaqiiqda looga laabto, iyadoo 3 maamulba ay ka mideysnaayeen ladagaalanka Reer Khaatumo, iskugu midna ahaayeen.

PUNTLAND:

Waxaa cad in Maamul-Goboleedkii Puntland uu hagaasay oo uu ku soo ururay degaamaddii la odhan jiray Majeerteeniya, dhinac waxaa duleedka u soo fadhiistay Ciidamada Somaliland, kuwaas oo iminka u jira masaafo ay markii ay u baahdaan saacad ka yar Garoowe ku gelefi karaan, Dhanka kale waxaa muuqata in Maamulka Galmudug ay Dawlada Federaalku xoogeeda isugu geynayso, cudud milateri iyo dhaqaalena ka soo ifayso, iyadoo ay qorshaysan tahay in Dekedda Hobyo dhakhso loo dhiso, taasoo buuxin doonta baahidii Baasaaso. Arinta ugu sii darani waa Beesha Majeerteen ee Puntland ka arimisa oo ku fashilantay Siyaasadii Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay u muuqatay CADKANOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYEY.

Maamulkani wuxuu shirqoolay shacabka degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn oo wax ka dhistay, halka ay ilaa maanta tahay cadowga ugu weyn ee hortaagan aqoonsiga maamulgoboleedka Khaatumo.

SOMALILAND:

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa Somaliland ka soo yeedhayey dhawaaqyo ku saabsan in Somaliland ay Soomaaliya soo weerartay, xoolihii, Xajkii, hawadii iyo siyaasadiiba sidaasdarteed loo baahan yahay in Reer Somaliland midoobaan, hadaladan iyo baaqyadani maaha kuwo khuseeya shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn waayo?

Shacabkani waa kuwii uu Madaxweyne Muuse Biixi lahaa AWOOWEYAASHIIN IYO AABEYAASHIIN baan caydhsan jiray.

Somaliland degaamada SSC xoog bay ku tagtay, hadana ku joogtaa, sii haysashadeedana waa masuuliyad saaran, reer Khaatumo taageero iyo midnimo toona ugama baahna. Sida Beesha dhexe Somaliland u wada qaadatay ayaa difaaceeda looga rabaa.

Waxaan shacabka SSC marnaba ilaawi doono Cadowtinimadii isku daawashadii dagaalkii Dhumay, odayaashii nabadeynta ee loo diiday inay Hargeysa soo maraan markay Jigjiga ka soo noqonayeen, barnaamijka qaybi oo xukun iyo maamul xumadda Gobolka Sool ka jirta, sidoo kale wixii nin garbood suuqa lagu dilay oo aan cid loo haynin, kuwaas oo iminka u baahan in dib loo baadho, iyadoo ay sii dheertahay Cunaqabateynta Horumar ee Goboladaas la saaray.

SOOMAALIYA:

Shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn mudo dheer bay u dagaalamayeen midnimada Soomaaliya, waxaa dhabarjebiyey Dawladda Federaalka ee Xasan shiikh Madaxda ka ahaa, kaas oo diiday inuu aqoonsado maamulkoodii Khaatumo, waxaana lagu abaalmariyey beelo kale, sidaasdarteed haday midnimaddii Reer SSC waday ay anfici weyday, tay maanta u baahdeen iyagana anfici mayso, AQOONSIGA MAAMULKA KHAATUMO EE UU HOGAAMIYO MADAXWEYNE CAGALULE AYAA AH WAXA KELIYA EE DAWLADA FEDERAALKA U SOO CELIN KARA KALSOONIDII SHACABKA KHAATUMO EE AY TUMIYEEN.

Guud waxaa shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn la gudboon in anaay ku degdegin muranka iyo khilaafka sii googeysanaya ee u dhexeeya Somaliland, Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya, maadaama ay yihiin kuwii markii hore xumaantooda u heshiiyey, daacadnimadooduna yar tahay.

QORE

CHIEF CAAQIL KHAALID M MUUSE DHIIL

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay sii daynta markabkii xoolaha ee xayirnaa ee Somaliland ka baxay

xoolo berbera

Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay xayiraadii laga qaaday markabkii xoolaha siday ee lagu haystay wadanka Sucuudiga.

Markabkan oo ka shiraacday dekedda magaalada Berbera ee Somaliland oo sida ilaa Labaatan Kun oo Ari ah, ayaa ku xayirnaa dekedda magaalada Jidda laga soo bilaabo ilaa 11kii bishan July,

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in xiriirro badan oo ay sameeyeen ku ogadeen in Markabkan uusan sidan dukumiiniyadii looga baahnaa islamarkaana uusan buuxin sharuudihii ku xirnaa heshiisyadii ay horay u wada galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Balse wuxuu sheegay in dadaal dheer oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu guuleystay in lagu qanciyo Boqortooyada Sacuudiga in ay fasaxaan Markabka lagana dajiyo xoolaha saaran.

‘’Waxaa Alle Mahadii waxaan idin cadeynayaa in hadda la bilaabay in Markabka laga dajiyo xoolaha saaran, waxaana naloo sheegay in dhakhatiir la saaray dusha Markabka si ay u hubiyaan caafimaadka xoolaha ayuu yiri’’ ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah uga howlgalay arinta Markabkan isaga oo sheegay in marnaba ganacsiga uusan qeyb ka noqon karin arrimaha kale ee siyaasadeed ee labada dhinac isku hayaan.

Somaliland ayaa siweyn uga carrootay xayiraada la saaray xoolaha ay u dhoofiso dalka Sacuudiga, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay arintan mas’uul ka tahay.

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladooda oo lagu dilay Sh/ Hoose

AlShabaab drone

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn khasaaro geysatay ay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyabarow ee gobolkaasi.

Sida la sheegay duqeyntani ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan oo Al-Shabaab , xilli uu marayay duleedka deegaankaas.

Ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay duqeynta, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo saxaafada qaarkood u sheegay.

Afarta qof ee dhintay ayaa kala ahaaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyo labo dagaalame oo lagu sheegay inay ilaalo u ahaayeen saraakiishaasi.

Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliye koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mareykanka oo abaal marin weyn guddoonsiiyay Imaam masaajid

imaam masjid nigeria

Mareykanka ayaa abaal marin weyn guddoonsiiyay Imaam u dhashay dalka Nigeria oo badbaadiyay 262 qof oo Kristaan ah kaddib markii ay weerar kusoo qaadeen dabley xoolo dhaqato ah.

Imaamka ayaa waxaa uu dadkan aaminsan diinta Kiristaanka gabaad ka siiyay masaajid uu maamulayay iyo gurigiisa oo ku yaalla dalka Nigeria.

Abuubakar Cabdullaahi oo 83 jir ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal marinta caalamiga ah ee xoriyadda diimaha. waxaana sidoo kale abaal marintaas la siiyay afar qof oo kale oo ka kala soo jeeday dalalka Suudaan, Brazil, Ciraaq iyo Qubrus.

Imaam Cabdullaahi ayaa badbaadiyay dadkan Kiristaanka ah xilli ay ka cararayeen dagaallo ka dhacay deegaanka Barkin Ladi oo hoostago gobolka Plateau bartamaha Nigeria.

In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay weerarkaas lagu bartilmaameedsanayay bulshada Kiristaanka Nigeria balse Imaamnkan ayaa xaaladda soo farageliyay si uu badbaadiyo nolosha dadkaas.

Imaamka ayaa BBC u sheegay in afartankii sanno ee lasoo dhaafay uu ka shaqeynayay badqabka dadka rumeysan diinta Kiristaanka ee ku nool deegaankaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Michael Pompeo ayaa abaal marinta guddoonsiiyay Imaam Cabdullaahi, waxaa uu yiri “Waxaa uu naftiisa halis u geliyay badbaadinta dad aaminsan diin kale,kuwaaso la dili lahaa haddii aysan tallaabada uu ku dhaqaaqaya Imaamka”

Abuubakar Cabdullaahi ayaa hadda ka hor waxaa abaal marin sharafeed guddoonsiiyay madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari.

India oo 23 arday ah isdaldaleen ka dib markii ay ku dheceen imtixaankii dugsiga sare

gabadh isdishay india

Ugu yaraan 23 dhallinyaro ah oo ku nool gobolka Koonfurta ku yaal ee dalka India ee Telangana ayaa isdilay tan iyo markii natiijooyinka imtixaanka dugsiga sare lagu dhawaaqay bishii Abriil ee sanadkan. Deepthi Bathini BBC Telugu wuxuu sharxayaa sababta natiijooyinka ay noqdeen kuwo muran ah.

Thota Vennela waxay jeceshahay cunto karinta, daawashada ruwaayadaha iyo in ay cunto cunnooyinka lagu iibiya agagaarka waddooyinka.

Walaalkeeda ka weyn, Venkatesh, oo 19 jir ah, ayaa dhawaan baratay sida loo wado mootadiisa. “Aad baan ugu faraxay in aan arko iyada oo mootada u wadda sida qof xirfadle ah, basle mararka qaar iyada oo aan ogayn ayaan raaci jiray si aan u hubiso ammaankeeda,” ayuu yiri. Venkatesh iyo walaashii ayaa marar badan ku dagaalamay mootadan basle mar kastaa waxay ahaayeen kuwo walaala ah oo aad isugu dhow.

Venkatesh ayaa ilmeeyay markii uu boorsadiisa jeedbak ka soo bixiyay sawirka walaashii. 18-kii Abriil – maalintii ay ogaatay in ay ku dhacday imtixaanka fasalka 12-aad – Vennela ayaa cabtay sun. Saacado ka dib aya ku dhimatay isbitaalka.

“Waxay ku celcelinaysay, sidee baan imtixaanka ugu dhici karaa?” sida ay hooyadeed, Sunitha, u sheegtay BBC-da. “Waan u nasteexeynay ama waaninay oo waxaanan u sheegnay in ay iska caaditahay, ayna codsan kareyso dib-u-qiimeyn ama in mar kale imtixaan laga qaado, balse xitaa markii ay isbitaalka ku jirtay waxay la hayd, ‘waxaa habbooneyd in aan imtixaankaasi ku guuleysto.”

Vennela waxay ka mid ahayd in ka badan 320,000 oo arday ah oo ku guuldarraystay imtixaanadii dugsiga sare ee gobolka Telangana. Dhammaantood waxay wax ka baranayeen dugsiyo ay manhajyadoodu dejisay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi. (Iskuullada qaar ee dalka India waxaa manhajkooga waxbarasho dejiya guddiga qaran ee waxbarashada.)

‘Adigu ma tihid natiijadii aad keentay!’ ayay yirahdaan ardayda waddamda India iyo Shiinaha

Waxbarashada sare ee dalka India ayaa ah mid aad loogu tartamo. Imtixaannada shahaadiga ahi ee dugsiyada sare ayaa ah kuwo muhiim u ah helitaanka jaamacad wanaagsan – waxaa loo arkaa in imtixaankani yahay kii ardayga mustaqbalka u sahli lahaa shaqo wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan. Jaamacadaha ugu sareeya dalkaasi ayaa sidoo kale qaada imtixaan ka madax-bannaan kan dowladda, balse ardayda ku guuleystay imtixaankaasi ayay suurtagal in ay jaamacadaha ku biiri waayaan waa haddii ay ku dhacaan imtixaanka dowladda.

Maalmo ka dib markii la shaaciyay natiijada imtixaanka, waxaa waddooyinka isugu soo baxay arday iyo waalidiinta aad u naxsan, waxa ayna ku doodayeen in ay khaldan loo saxay imtixaanka, waxayna dalbanayeen in mar labaad lagu noqdo saxitaanka imtixaankani.

“Wiilkaygu wuxuu natiijo wanaagsan ka keenay xisaabta, Fiisikis iyo kimistari imtixaankii fasalka 11-aad, laakiin sanadkan natiijadU waxay muujinaysaa in uu Xisaab uu ka helay boqolkiiba hal fiisikisna uu ka helay eber, sidee bay suurtagal u tahay arrintaasi?” ayuu yiri Venugopal Reddy.

“Waxa uu isku diyaarinayay tartanno kale, balse natiijadii ka dib, aad ayuu u niyad jabay. Wuxuu joojiyay dedaalladii uu waday iyo cuntadiiba, wuxuuna diiday inuu ka baxo guriga. Waxaan ka walwalsanahay maskax ahaan caafimaadkiisa,” ayuu sii raaciyay.

Iyadoo dibad-baxyada ay sii xoogeysanayeen ayaa haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya arday ku dahcday imtixaanaadkii oo isdaldashay guud ahaan gobolkaasi.

Kooxda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda carruurta ayaa dacwad horgeysay maxkamadda sare ee gobolka, taa oo amar ku bixisay in guddiga imtixaanaadka uu dib u saxo dhammaan imtixaanaadka ardaydii dhacday. Natiijooyinka cusub ayaa lagu dhawaaqay 27-kii Maajo – 1,137 oo ka mid ah ardaydii la sheegay in ay imtixaanka ku dheceen ayaa dib loo eegay, waxaana lagu dhawaaqay inay ku guuleysteen imtixaannada. Arday markii hore la sheegay in uu eber ka helay hal maado ayaa markii dambe oo imtixaanka dib loo saxay la shaaciyay in maadadaasi uu ka helay 99.

Dhibaatada murankani waa xuddun dhexaad u ah Globarena Technology oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo sameysa barnaamijyada koombiyuutarada ku shaqeeyaan, taa oo sanadkii 2017 ku guuleystay qandaraas ay dowlada bixisay oo ahaa in ay maamusho imtixaanka guud ee gobolka oo ay u fariisteen arday dhan in ka badan 970,000 oo arday. Sidoo kale waxa ay mas’uul ka ahayd saxidda imtixaankaasi oo soo gudbiso natiijada arday kastaa.

Guddiga waxbarashada ee gobolka oo qandaraaskaasi siiyay shirkadda Globarena ayaa sheegay in isdaldalaadda ardaydani aysan “la xiriirin khaladaadka farsamo iyo kan natiijo”.

Globarena ayaa qirtay in ay jireen khaladaad.

“Waxaan raaceynaa nidaamka uu dejiyay guddiga. Dhacdooyinka dhacay ayaa ah kuwo nasiib darro ah. Markii hore waxaa jiray khaladaad farsamo, dib ayaan markii dambe ka saxnay,” VSN Raju oo ah madaxa shirkada ayaa BBC-da u sheegay bishii Abril.

Qoyska mid ka mid ah ardaydii naftooda dilay – Anamika Yadav – ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan guddiga waxbarashada iyo Globarena.

Qoyskeeda ayaa BBC-da u sheegtay in gabadhaasi oo 16-sano jir ahayd ay is dishay saacado kadib markii ay ogaatay in ay ku dhacday imtixaanka. 27-kii Maajo, dib-u-qiimeyntii la sameeyay ayaa lagu sheegtay in ay natiijo wanaagsan ka keentay imtixaankaasi, laakiin saacado ka dib mar kale ayaa dib loo saxay – waxaana la sheegay in ay ku dhacday.

Waxay u muuqataa in uu jiray khalad markii la shaacinayay natiijadeeda. Madaxda guddiga ayaa sheegay in Globarena aysan ku lug lahayn dib-u-qiimeyntii lagu sameeyay natiijada gabadhaasi.

“Tani ayaa na gelisay shaki,” ayuu yiri aabaha Anamika, Atul Ganesh.

Mareykanka oo soo riday diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay

markab dagaal uss boxer

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada badda ee waddanka Mareykanka ay marinka Hormuz ku soo rideen diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay.

Waxa uu sheegay in markabka USS Boxer “uu isdifaacay” Khamiistii kaddib markii diyaarad aanay cidina wadin ay u soo jirsatay 1,000 yaardi.

Iiraan ayaa sheegtay in aanay wax war ah u ahayn in diyaarad aanay cidina wadid ay ka burburtay. Bishii Juun, Iiraan ayaa waxa ay soo ridday diyaarad aanay cidina wadin oo uu leeyahay milateriga waddanka Mareykanka oo isla aaggaas maraysay.

Goor sii horraysay, Tehraan ayaa waxa ay sheegtay inay qabatay “markab ajnabi ah oo nooca shidaalka qaada ah” iyo 12 shaqaale ah oo saarnaa oo Axaddii shidaal si qarsoodi ah kaga saarayay Gacanka.

Mareykanka ayaa Iiraan waxa uu ku eedeeyay in marinka maraakiibta caalamiga ah ay ku weerrareen maraakiib shidaal qaada tan iyo bishii May. Tehraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay soo shaacbixiyeen cabsida ah in qulqulatooyin milateri ay gobolkaasi ka dhacaan.

Muxuu Madaxweyne Trump sheegay?

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ayuu Trump yiri: “Waxaan doonayaa inaan qofwalba u sharaxo dhacdo maanta ka dhacday marinka Hormuz oo uu ku lug leeyahay markabka dagaal ee USS Boxer.

“Markabkan Boxer ayaa waxa uu iska difaacay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay taas oo aad ugu soo dhawaatay, masaafo dhawna u soo jirsatay, qiyaastii 1,000 yaardi, iyadoo diyaaraddu iska dhegatirtay baaqyo ahaa inay degto sidaana ay halis ku galisay badqabka markabka iyo howlwadeennadii saarnaaba. Si degdeg ah ayaana diyaaraddaasi lagu burburiyay.

“Tani waa tallaabadii daandaansi iyo cadawtinimo ee ugu dambaysay oo ay Iiraan ku qaadday maraakiib ka howlgalaysay biyaha calaamiga ah. Mareykanka waxa uu xaq u leeyahay inuu difaaco askartiisa, qalabkiisa iyo danahiisa.”

Washington ayaa goor sii horraysay waxa ay sheegtay in Iiraan ay qasab tahay inay si degdeg ah ku sii dayso markab shidaal qaada oo ay sheegtay inay qabsatay.

Warbaahinta qaranka Iiraan ayaa waxa ay soo xigatay Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegaya in markabku uu waday hal milyan oo litir oo shidaal ah oo qarsoodi halkaas loogaga saarayay.

Warbaahinta qaranka ayaa markii dambe waxa ay daabacday muuqaal laga duubay doonyo dheereeya oo ay Iiraan leedahay oo ku dulwareegaya markab ku socdaalayay calanka Panama.

Markabka ayaa waxaa lagu qabtay koonfurta jasiiradda Larak ee Iiraan, sida ay Iiraan sheegtay.Image captionCiidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo gaafwareegaya marinka Hormuz

Arrintan maxay salka ku haysaa?

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay Gacanka tan iyo markii Mareykanka uu adkeeyay cunaqabataynta uu ku soo rogay shidaalka Iiraan kaddib markii uu kaligii isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee taariikhiga ahaa.

Mareykanka ayaa waxa uu Iiraan ku eedeeyay inay laba weerrar oo kala duwan ku qaadday maraakiib shidaal qaadda oo mararay Gacanka Caamaan bilihii May iyo Juun, eedahaas oo ay Tehraan iska fogaysay.

Iiraan ayaa sidoo kale soo riday mid kamid ah diyaaradaha dusha kala socdo amniga gobolka xilli ay mareysay marin biyoodka Hurmuz, xukuumadda Tehran waxay sheegtay in diyaaraddaas ay kusoo xaadgudubtay hawada Iiraan, wixii dhacdadaas ka dambeeyay “Waxay farriin cad u dirtay Mareykanka.

Waxaa gobolka ka taagaan xiisad kale oo u dhexeexysa Iiraan iyo Ingriiska kaddib markii Iiraan ay ku hanjabtay inay gacanta ku dhigi doono mid kamid ah maraakiibta Ingiriiska si ay uga falceliso markaabkeedii ay ciidammada Ingiriiska uga qabteen xilli uu marayay gacan biyoodka Gibraltar.

Daawo Xisbiga Waddani oo sheegay inaan la fasaxin oo dhimasho bilaabeen xoolihii Markabka ku xayirnaa

cali cantar

Xisbiga Waddani oo sheegay inaan la fasaxin oo dhimasho bilaabeen xoolihii Markabka ku xayirnaa.

DAAWO:

Daawo Madax-dhaqameedka Beesha Habarjeclo oo shaaciyey inay dib u dhigeen Shirkii Garxajis

madaxdhaqameedka habarjeclo

Madax-dhaqameedka Beesha Habarjeclo ayaa shaaciyey inay dib u dhigeen Shirkii ay wadalahaayeen Beesha Garxajis.

DAAWO:

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY