Reer Khaatumo (Gobolada SSC) waa isugu mid Somaliland, Puntland iyo Dawladda Somalia/Qore Khaalid

muuse deni farmaajo iyo kheyre

Mudo dheer oo wadashaqayn iyo isjacayl ka dhexeeyey Dawladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland ayaa u muuqata inay dhamaatay oo xidhiidhkoodu sii xumaanayo, kadib markii la waayey meel xaqiiqda looga laabto, iyadoo 3 maamulba ay ka mideysnaayeen ladagaalanka Reer Khaatumo, iskugu midna ahaayeen.

PUNTLAND:

Waxaa cad in Maamul-Goboleedkii Puntland uu hagaasay oo uu ku soo ururay degaamaddii la odhan jiray Majeerteeniya, dhinac waxaa duleedka u soo fadhiistay Ciidamada Somaliland, kuwaas oo iminka u jira masaafo ay markii ay u baahdaan saacad ka yar Garoowe ku gelefi karaan, Dhanka kale waxaa muuqata in Maamulka Galmudug ay Dawlada Federaalku xoogeeda isugu geynayso, cudud milateri iyo dhaqaalena ka soo ifayso, iyadoo ay qorshaysan tahay in Dekedda Hobyo dhakhso loo dhiso, taasoo buuxin doonta baahidii Baasaaso. Arinta ugu sii darani waa Beesha Majeerteen ee Puntland ka arimisa oo ku fashilantay Siyaasadii Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay u muuqatay CADKANOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYEY.

Maamulkani wuxuu shirqoolay shacabka degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn oo wax ka dhistay, halka ay ilaa maanta tahay cadowga ugu weyn ee hortaagan aqoonsiga maamulgoboleedka Khaatumo.

SOMALILAND:

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa Somaliland ka soo yeedhayey dhawaaqyo ku saabsan in Somaliland ay Soomaaliya soo weerartay, xoolihii, Xajkii, hawadii iyo siyaasadiiba sidaasdarteed loo baahan yahay in Reer Somaliland midoobaan, hadaladan iyo baaqyadani maaha kuwo khuseeya shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn waayo?

Shacabkani waa kuwii uu Madaxweyne Muuse Biixi lahaa AWOOWEYAASHIIN IYO AABEYAASHIIN baan caydhsan jiray.

Somaliland degaamada SSC xoog bay ku tagtay, hadana ku joogtaa, sii haysashadeedana waa masuuliyad saaran, reer Khaatumo taageero iyo midnimo toona ugama baahna. Sida Beesha dhexe Somaliland u wada qaadatay ayaa difaaceeda looga rabaa.

Waxaan shacabka SSC marnaba ilaawi doono Cadowtinimadii isku daawashadii dagaalkii Dhumay, odayaashii nabadeynta ee loo diiday inay Hargeysa soo maraan markay Jigjiga ka soo noqonayeen, barnaamijka qaybi oo xukun iyo maamul xumadda Gobolka Sool ka jirta, sidoo kale wixii nin garbood suuqa lagu dilay oo aan cid loo haynin, kuwaas oo iminka u baahan in dib loo baadho, iyadoo ay sii dheertahay Cunaqabateynta Horumar ee Goboladaas la saaray.

SOOMAALIYA:

Shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn mudo dheer bay u dagaalamayeen midnimada Soomaaliya, waxaa dhabarjebiyey Dawladda Federaalka ee Xasan shiikh Madaxda ka ahaa, kaas oo diiday inuu aqoonsado maamulkoodii Khaatumo, waxaana lagu abaalmariyey beelo kale, sidaasdarteed haday midnimaddii Reer SSC waday ay anfici weyday, tay maanta u baahdeen iyagana anfici mayso, AQOONSIGA MAAMULKA KHAATUMO EE UU HOGAAMIYO MADAXWEYNE CAGALULE AYAA AH WAXA KELIYA EE DAWLADA FEDERAALKA U SOO CELIN KARA KALSOONIDII SHACABKA KHAATUMO EE AY TUMIYEEN.

Guud waxaa shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn la gudboon in anaay ku degdegin muranka iyo khilaafka sii googeysanaya ee u dhexeeya Somaliland, Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya, maadaama ay yihiin kuwii markii hore xumaantooda u heshiiyey, daacadnimadooduna yar tahay.

QORE

CHIEF CAAQIL KHAALID M MUUSE DHIIL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here