Home Blog Page 645

Maraykanka oo Turkiga ka jaraya saanad muhiim ah

S 400 SAM SYSTEM

Dowladda Maraykanka ayaa ugu dambeys ka dhabaysay digniin ay horey ugu jeedisay Turkiga, taas oo ahayd in haddii uu Ruushka ka iibsado habka difaaca gantaalada ay taas ciqaab kala kulmi doonto.

Maraykanka waxa uu sheegay in Turkiga si rasmi ah looga saaray dalalka ka faa’iideysanaya diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee casriga ah ee uu Maraykanka soo saaro kadib markii Turkiga uu habka difaaca gantaalada cirka kasoo iibsaday dalka Ruushka.

Maraykanka waxa ay qabaan in qalabkaas uu yahay mid basaas oo xogta ka xadi kara barnaamijka F-35.

Ruushka ayaa bilaabay in uu Turkiga ka dajiyo hubka S-400 todobaadkii hore.

Maxay yihiin gantaaladan?

S-400 waa magaca guud ee gantaalo kala duwan iyo raadaaro lagu illaaliyo hawada, balse nooc kasta oo uu Turkiga iibsanayo, waxaa meesha ku jirta xaqiiqda ah in hubkan uusan la falgali karin habka nabadgelyada NATO.

Waxaa arrintan ka mid ah in habka raadaarka ee lagu difaacayo gantaalada dhulka laga hago iyo kuwa la’iska soo liishaamo, balse dhibka jira ayaa waxa uu yahay ee ay NATO ka welwelsantahay in habkan loo sameeyay qaabab ku jaan go’an hadba masaafada cirka ee uu gantaalka ku socdo iyo waliba nooca uu yahay, taas oo meesha ka saaraysa in la qiyaasi karo.

S-400

Taas waxa ay micnaheedu tahay in haddii mid ka mid ah aad meesha ka saarto qeybaha kala duwan ee uu habkan leeyahay, in difaaca cirka oo dhan uu qalqal gali karo.

Ruushka waxa ay sameeyaan difaac cir oo wanaagsan, balse in qalabkan laga dhaqangaliyo dal NATO ka mid ah waxa loo baahanayaa tabobar cusub iyo waliba kaaliyeyaal ka socda Ruushka oo goobta jooga si ay wax u qabtaan haddii ay wax qaldaan.

Waxaa laga walwalsanyahay waxa saraakiisha Ruushka ay ogaan karaan marka ay rakibayaan qalabkan.

Tan waa waxa aad usii luraya Maraykanka, sababtoo ah Turkiga waxa uu doonayaa in uu hawlgaliyo diyaaradaha F-35 ee uu Maraykanka sameeyay, taas oo Ruushiyaanka ay ogaan karaan sirta ku saabsan samayskeeda.

Dhawr diyaaradood oo noocan ah ayaa kal horeyaba lagu wareejiyay Turkiga, waxaana jira duuliyeyaal Turki ah oo hadda ku tabobaranaya diyaaradahan Maraykanka gudihiisa.

Turkiga waxa uu sheegayaa in halka gantaalada iyo difaaradaha F-35 ay ku shaqayn doonaan ay ka soocnaan doonto meesha lagu hawlgalinayo kuwa Ruushka.

Turkiga ka sokoow, Ruushka waxa ay hadda heystaan sifooyin kale oo ay ku helaan xogta Maraykanka, tusaale diyaaradaha F-35 waxaa isticmaala Israa’iil, waxaana macluumaadka habkan casriga ah uruurin kara raadaaraada Ruushka ee Suuriya yaala.

Maraykanka waxa ugu weyn ee ay ka baqayaan ayaa ah in Ruushka uu helo xogaha muhiimka ah ee habka difaaca NATO ee cirka, meesha ay uga soo dhacayaane ay tahay Turkiga oo ay ka iibinayaan gantaalada S-400.

Maraykanka go’aankiisa waa cadyahay, ku simaha xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa warqad uu u qorey ragga dhiggiisa ah ee Turkiga u sheegay in haddii ay ka laaban waayaan heshiiska Ruushka, in duuliyeyaasha tabobarka ku jira ay tahay in ay Maraykanka isaga tagaan 31-da July.

Sidoo kale waxa ay gebi ahaanba joojiyeen in qalabkii habka difaaca cirka ee F-35 la geeyo Turkiga. Taas oo kaliya kuma eka, qeybo badan oo diyaaradahan ka mid ah waxaa lagu warshadeeyaa Turkiga, tusaale 937 qeybood oo diyaaradaha F-35 waxaa lagu sameeyo Turkiga qeyb ahaan, balse Maraykanka hadda waxa uu u weecday dalal kale in ay qeybaha kasoo iibsadaan.

Intaas oo kaliya kuma eka arrimaha, haddii Turkiga uu ku adkaysto go”aankiisa, waxaa su’aal la galin doonaa xubinimadeeda NATO.

S-400
S-400

Somaliland oo si cad u diiday Guddigii uu Magacaabay Madaxweyne Farmaaajo

madaxtooyada somaliland

 Somaliland ayaa War kasoo saartay Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo xil saaraay Wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Warka Somaliland ayaa siddaan u qornaa:

Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.

Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo.

2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.

Ciidanka Booliiska oo digniin culus ka soo saaray amaanka Muqdisho

taliye xigeen zekiya

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa soo saartay digniin la xariirta amniga magaalada Muqdisho.

Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayaa sheegtay in maanta oo ah 18-07-2019-ka laga bilaabo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista baabuurta.

Sidoo kale waxa ay ka dalbatay wadayaasha gaadiidka in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhigayaan gaadiidkooda.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ayaa intaasi ku dartay ciddii u hoggaansami weyso amarkan in gaariga ay kala wareegi doonaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:

DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga.
#Mogadishu #SPF991

Ammaanka Muqdisho oo ay haatan si weyn u sugayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geystaan Al-Shabaab.

Daawo Xisbiga Waddani oo dhaliilo culculus u jeediyey Siyaasada Dibadda iyo Gudaha ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse

xoghayaha waddani khadar

Xisbiga Waddani oo dhaliilo culculus u jeediyey Siyaasada Dibadda iyo Gudaha ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse.

DAAWO XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI:

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddida dhab u heshiisiinta iyo wada-hadalada Somaliland

farmaajo2

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Somaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaabdhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

DHAMMAAD

Soomaaliya: Dumarka oo lagu dhiirageliyay ka qeybgalka siyaasadda

dumarka somalia

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay aqoon isweydaarsi ay ka qaybgaleen in kabadan boqol dumar ah oo ka kala socday xisbiyada siyaasadeed taasoo lagu gorfeynayay kaalinta haweenku ka ciyaari karaan ka qaybgalkooda buuxa ee arrimaha siyaasadda ee waddanka.

Sidoo kale intii ay doodu socotay waxa diiradda la saaray sharciga doorashooyinka ee hadda hor yaalla baarlamaanka federaalka iyo sidii dumarku uga qayb qaadan lahaayeen inuu sharcigaasi noqdo mid u adeegaya in dumarka ay helaan ka qaybgalbuuxa oo dhinaca siyaasadda ah doorashooyinka soo socda ee sannadka 2020-ka.

Cabdillahi Maxamuud Tahliil oo kamid sariikisha Machadka International Republican Institute oo ah urrurka soo agaasimay aqoon isweydaarisga ayaa BBC u sheegay in sababta ay haweenka ugu martiqaadeen aqoon isweeydaarsiga uu yahay sidii ay uga doodi lahaayeen qoonddada haweenka ee siyaasadda iyo inay aqoon ka heystaan sharciga la xiriira arrintaas.

Cabdillahi Maxamuud waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka ay uga gollahaayeen sidii ay haweenka ugu dhiirogelin lahaayeen ka qeyb qaadashada siyaasadda.

Dowladda Soomaaliya oo hal sano kadib magacawday Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka

Cali Shariif safiir us

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan.

Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska.

Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Cawad ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyada oo aan la magacaabin beddelkiisa,waxaana magacaabistiisa ahayd billowgii sanadkii hore ee 2018.

Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka.

Axmed Ciise ayaa xusay in Cali Shariif uu dhawaan u socdaalayo dalka Mareykanka islamarkaana hadda loo diyaarinayo Dukumiintiyadiisa diblomaasiyadeed iyo dal ku gal.

Congress-ka Maraykanka oo meelmariyay mooshin ka dhan ah Trump

trump2

Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ka tirsan Aqalkan.

Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay “Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo dadka midabka ah”

Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay dhegelkiisa Twitter-ka ayaa yiri “jirkayga kuma jirto laf cunsurinimo”.

240 xildhibaan ayaa ku codeysay codka ‘HAA’ halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay ‘MAYA’, taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta.

Waxaa xildhibaanadan ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd.

Madaxweynaha oo maalintii axaddii soo daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

Dhibka jira waxa uu yahay in 3 ka mid ah hablahaas, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka timid yaraanteedii, ay ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay.

Nancy Pelosi afhayeenka Aqalka Wakiilada
Nancy Pelosi afhayeenka Aqalka Wakiilada

Waxyaabaha warbaahinta Maraykanka soo bandhigtay waxaa ka mid ah awooweyaashii Trump ay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalka Jarmalka, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay mar aan fogeyn, waxaana xitaa la sheegay in Ilhaan ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia.

Kalsooni Kala Noqosho

Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan.

Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.

Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa’iil.

Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa.

Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad.

Dawlada Soomaaliya oo isbedel ku samaysay qaabkii ay xujaydu u heli jireen fiisaha xajka

wdas Sh nuur m xasan

Dawlada Federaalka ee soomaaliya ayaa u dhawaaqday isbadal ay ku samaysay qaabkii ay xujaydu u heli jireen fiisaha xajka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay nidaam lagu kaydinayo xogta xujaajta soomaalida ah oo ay wasaaradiisu diyaarisay.

Wasiirka oo ka hadlaya isbedelka ku yimid habka lagu heli jiray fiisaha xajka ayaa waxa uu yidhi “Sanadkan xajka Soomaaliya waxa uu noqon doonaa mid casri ah, markii hore baasaaboorka Xujaajta Soomaalida waxa loo qaadi jiray dalka Kenya, waana la dareemi karaa dhibaatada ka iman karta ilaa 9300 oo baasaaboor, kuwaas oo qaarkood lumi jireen qaarna wakhtigu ka dhici jiray, sanadkan waxay kaga duwanaan doonaan, fiisaha waxa lagu daabici doonaa xafiiska wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta, waana guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “sidoo kale wasaarada waxay soo kordhisay dakhli ay u xaraysay dawlada kaas oo sanadadii hore aan la heli jirin anaga oo abuurnay nidaam lagu xaraynayo xogta xujaajta soomaalida ah oo dhan, iyada oo la xusayo meelaha uu qof waliba ka soo xajay haday gobolada tahay iyo haday caasimada tahayba”

Wasiir Sheekh Nuur ayaa soo bandhigay waxyaabaha uu xajka sanadkani kaga duwan yahay sanadadii hore “Sanadadkan xajku waxa uu uga duwan yahay soomaalida iyada oo wasaarada awqaafta soomaaliya ay heshiis rasmi ah la gashay wasaarada xajka ee dawlada sucuudiga, waxaanan ku guulaysanay inaanu kordhino tirada xujaajta soomaalida ah markii hore waxay ahayd 9300 halka sanadkan aanu ka soo dhignay 11500, waxaanan furnay tartan loo qabtay shirkadaha qaadanaya xujayda soomaalida, waxaana ku guulaystay 58 shirkadood oo loo sii qaybiyey 11 kooxood kuwaas oo ka shaqayn doonaa adeega xujayda soomaalida ah.”

Wasiir Cawad: Gini waxay martiqaaday hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo

cawad wads2

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay markale ka hadlay talaabada DF Somalia xiriirka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xiriirka caalamiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalku marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”.

“Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY