Wasiir Cawad: Gini waxay martiqaaday hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo

cawad wads2

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay markale ka hadlay talaabada DF Somalia xiriirka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xiriirka caalamiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalku marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”.

“Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here