Wararkii ugu dambeeyay dagaal Shabaab iyo Ciidanka DF oo ku dagaalamay duleedka Jowhar

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Wararka naga soo gaarayo deegaan duleedka ka ah Magalada Johwar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhacay tuulada Deyma-Same ee duleedka Koofur Bari ee magaalada Jowhar, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen xilli halkaasi ay ka socdeen howlo ku saabsan xeritaanka wabiga Shabeelle oo fatahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelele ayaa waxaa ay u sheegeen in Al-Shabaab ay wabiga si ula kac ah u fatahiyeen, isla markaana ay diideen in la xiro taasi oo keentay in uu dagaal dhaco.

Dagaalka oo socday in ka badan saacad ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu geystay khasaaro labada dhinac ah, hayeeshee aan tirada dadka ku waxyeeloobay weli sirasmi ah loo cadeyn karin.

Xaalada Tuulada Deyma-Same ee duleedka Jowhar ayaa haatan ah mid degan,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xilligaan ay dareemayaan cabsi laba dhinac ah oo kala ah fatahaad uu sameeyo Wabiga iyo dagaalka Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here