Ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya, ayaa gaaray jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xooggaga fallaagada.
Abiy Axmed, ayaa sheegay in isaga uu shakhsiyan hogaamin doono dagaalka dalka loogaga difaacayo fallaagada u soo ruqaansatay dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Waxa uu intaasi ku daray in halis ay ku jirto jiritaanka Itoobiya walow dowladdiisa ay gaashaanka u daruurtay in fallaagadu ay horumar ka sameeyeen dagaalka.