Wasaaradda H. Caafimaadka JSL iyo WHO oo tababaro cudurka CORONA u bilawday Iskuduwayaasha iyo Hawl-wadeenada Gobolada

whc iyo who1

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo Kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa Tababaro Caafimaad oo ku saabsan ka hortaga cudurka CORONA u bilawday Iskuduwayaasha Gobalada & Hawl-wadeenada Caafimaadka.

Tababarkan oo ay bixinayeen madaxa xafiiska Gurmadka Degdega ah W.H.Cafimaadka JSL iyo khuburo Ajaanibo oo kasocda Hay’adda WHO ayaa kor loogu qaadayaa aqoonta Caafimaadka ee Ee hawlwadeenada Wasaaradda ay kaga hortagayaan cudurka CORONAVIRUS oo halistiisu dunida kusii fidayso.

Tababarkan oo maanta ka bilaabmay ayaa daba socda qalab casri ah oo hore loo gaadhsiiyay hawlwadeenada WHC ee heeganka ku ah xuduudaha dalka lagasoo galo. Sidoo kale, tababarkan oo qayb ka ah deddaal Wasaaradu ugu jirto kahortaga cudurkan ayaa bilaw u ah tababaro aqoon kordhineed oo kor loogu qaadayo aqoonta hawlwadeenada Cafimaadka.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=132227338287816&id=103133851197165&sfnsn=mo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here