Wasiir Beyle oo internetka kaga qaybgalay shirkii Wasiirada IGAD

beyle

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isagoo kusugan Magaalada Muqdisho waxa uu maanta ka qeyb galay Shir Madaxda IGAD Gaar ahaan Wasiirada Maaliyada ay kulan yeesheen.

Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid Mareegaha Internet-ka la isku arkay oo sidaas qaab toos ah meelo kala duwan iyagoo kusugan ka qeyb galeen.

“Waxa aan ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka urur goboleedka IGAD, shirkaan waxa uu daba socdaa kii Madaxda IGAD ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn caqabadaha dhaqaalaha ee uu sababay #COVID19, inagoo kaashaneyna wadashaqeynta naga dhexeysa ayuu yiri Wasiir Beyle.

Shirkaan ayaa la sheegay in waxyaabo badan la isku afgartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here