Wasiir Cawad oo ka hadlay wararkii u dambeeyey ee xiisada Kenya iyo Somalia

w arimaha dibada cawad2

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si faah-faahsan uga hadlay xiisadda ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib, haatan lagu balamay in xiisadda la qaboojiyo, labada dalka ay si dhab ah uga wada hadlaan arrimaha dhex yaalla.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono maalmaha nagu soo aadan dalka Kenya, isla markaana qabanqaabada safarkaas hada lagu guda jiro.

Wasiirka ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, waxuuna sheegay in ciidankaas ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee nabad ilaalin u joogta dalka, isla markaana ay ku joogayaan rabitaanka iyo ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Cawad ayaa dowladda Kenya uga mahad celiyey sida ay kaalinteeda uga qaadato la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay ciidanka Kenya in aysan ka leexan maandheydka ay ku joogaan dalka.

Mar wax laga weydiiyey in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Kenya inay u soo gacan geliso wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah, ayaa waxa uu sheegay in booliska caalamiga ah ee INTARBOL oo ay qeyb ka tahay Kenya ay ka dalbadeen in ninkaas lagu qabto meel kasta oo uu joogo loona soo gacan geliyo dowladda Soomaaliya, balse Kenya ay qadarin weysay dalabkaas.

“Kenya waxaan nahay deris, waxaan u heynaa abaal weyn intey nasoo garab taagneyd, laakiin mararka qaar waxaa dhacaysey faran gelin gudaha Soomaaliya ay ku sameyneysay, waxaana tusaale u ah in nin dembiyo dagaal loo heysto uu joogo gudaha Kenya, taasina ma kala qabato laba dal oo deris ah, Soomaaliyana markasta waxay ilaalineysaa deris wanaag, laakiin waxay ku qasbantahay in ay dhowrto midnimada dalkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here