Wasiir gabar xijaaban sawir la galay oo cambaareyn la kulmay

Jean f roberge iyo malala Yousafzai

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Quebec ayaa lagu canbaareeyay sawir uu la galay Malala Yousafzai oo ah gabar u ololaysa waxbarashada gabdhaha.

Malala Yousafzai oo uu madaxa qamaar ugu xirnaa, ayay ku adkaatay in macallimad ka noqonto gobolka Quebec ka dib markii dhawaan dowlad gobaleedka Quebec meel marisay sharci sheegaya in dadka ay ka muuqato calaamadaha diimaha sidaa darteedna aysan ka shaqayn karin xafiisyada dowladda, maxkamadaha, iyo Iskuulada.

Jean-François Roberge ayaa sheegay in isaga iyo Yousafzai ay ka wada hadleen sidii ay waaxda waxbarshada dib ugu laaban lahayd iyo horumarka caalamka.

Sanadkii 2012-kii ayayTaaliban madaxa ka toogteen Yousafzai kadib markii ay ku dhiirratay in ay iskuul aaddo tan iyo markaa wixii ka dambeeyay waxaa dunida laga aqoonsaday ololeheeda ku aaddan tacallinta gabdhaha.

Sharcigan ayaa gobolka ka dhaliyay dood badan iyo dibadbaxyo ballaaran ay ka dhasheen.

Sharcigan ayaanan bartilmaameedsanayn diin gaar ah balse dadka qaar ayaa sharcigaan ku tilmaamay mid aan sax ahayn iyagoo ku doodaya in loola danleeyahay gabdhaha muslimiinta ah oo kaliya, balse taas ay dowladdu beenisay.

Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa wasiirka ku tilmaamay munaafiq kadib markii uu isku soo sawirayYousafzai.

Mr Roberge,ayaa Yousafzai kula kulmay dalka Faransiiska waxa uuna difaacay sharcigan kadib markii uu weriye Salim Nadim Valji uu weeydiyay sida uu difaaci lahaa Yousafzai haddii ay dooneeyso in macallimad ka noqoto gobolka Quebec.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here