Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo ka hadlay sababta uu Muqdisho u yimid

somalia kenya flag

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi oo Maanta so gaarey Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey ujeedada ka dambeysa Safarka uu ku yimid Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo Saraakiil Sare sare oo ka tirsan Dowladda Kenya uu Muqdisho u soo direy Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si ay Madaxweyne Farmaajo ugala hadlaan xiisadda ka taagan xadka labada dal.

“Ka dib mowjado caqabado dhinaca amniga ah oo dhawaanahan kusoo kordhay soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, ayaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ee dowladdu iyo aniga uu noo soo direy Soomaaliya Madaxweyne Kenyatta si aan kula kulano dhiggiisa ee Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Fred Matiangi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadli doonaan sidii loo xakameyn lahaa Arrimaha ka taagan xuduudaha dalka oo uu dhawaan dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowlada & kuwa Jubbaland.

Socdaalka uu Maanta Magaalada Muqdisho ku yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi ayaa daba socdey wada-hadallo qadka taleefoonka ah oo Jicmihii dhex-marey Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here