Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL oo hortagay Golaha Guurtida kana warbixiyey CORONAVIRUS

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL Mudane Cumar Cali Cabdillahi (Cumar-dheere) ayaa Hortagay Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka ayaa halkaa kaga warbixiyay sida Wasaaraddu uga diyaar garawday ka hortaga cudurka CORONAVIRUS.

Wasiirka ayaa sidoo kale kawaramay marxaladaha iyo deddaalka Gudiga Gurmadka Degdega (Emergency Committee) ee Wasaarada Horumarinta Cafimaadka heeganka ka gashay.

Ugu dambayn xildhibaanada Golaha Guurtida JSL ayaa Wasiirka ku amaanay hawsha wacan ee uu qaranka u hayo iyo sida ay masuuliyiinta Wasaarada Horumarinta Cafimaadka JSL ay u guteen waajibkii qaran ee saarna.

FAAFIDA CUDURKAN WAXAA LOOGA HORTEGI KARAA NADAAFADA OO LA ILAALIYO IYO FARAXALKA AMA GACMAHA OO LA MEYRO.

DAAWO SIYAABAHA LOOGA HORTEGI KARO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here